DEGDEG: Burcad-Baddeed lagu dilay duqeyn ka dhacday G. Nugaal
Wararka laga helayo gobolka Nugaal ee Puntland ayaa sheegaya in duqeyn diyaaradeed ay galabta ka dhacday degmada Eyl ee gobolkaasi. Duqeyntani ayaa lagu dilay koox hubeysan oo shalay afduubtay Markab...
Wararka laga helayo gobolka Nugaal ee Puntland ayaa sheegaya in duqeyn diyaaradeed ay galabta ka dhacday degmada Eyl ee gobolkaasi.
Duqeyntani ayaa lagu dilay koox hubeysan oo shalay afduubtay Markab ku sii jeeday magaalada Muqdisho islamarkaana xilliga duqeynta ay dhacaysay ayaa la tilmaamay in raggani ay wax yar ka hor ka soo degeen Markabka ay qafaalka u heystaan.
Afar nin oo la sheegay inay kamid ahaayeen kooxda afduubka geysatay islamarkaana doon yar la soo aaday dhanka berriga ayaa diyaaradaha an duuliyaha lahayn ay duqeyn kula eegatay aagga buurta Garmaal ee gobolka Nugaal.
Markabkani waxaa lagu magacaabaa M/V LUTUF wuxuuna ku safrayay calanka waddanka Cameroon isagoo ku sii jeeday magaalada Muqdisho waxaana leh shirkad laga leeyahay dalka Turkiga.
Koox hubeysan oo siddeed nin ka kooban ayaa afduubtay markabkaan waxaana ay u adeegsadeen qabashadiisa Markab ay horey u heysteen oo la yiraahdoMV Sward, waxaana shaqaalaha saaran lagu sheegay illaa toban ruux oo isugu jira lix Hindi ah, hal Turkish ah iyo hal Georgian ah, iyadoo midka tobanaad iyo laba illaao ah illaa hadda aan la helin halka ay ka soo jeedaan.
Maamulka Puntland iyo kan gobolka Nugaal weli wax faahfaahin ah kama aynaan bixin howlgalkani galabta ka dhacay xeebaha degmada Eyl.
Dayax Media Network
Galmudug, Somalia



[…] DEGDEG: Burcad-Baddeed lagu dilay duqeyn ka dhacday G. Nugaal […]