DF oo qorshe halis ah ka damacsan Dhulalka ku yaalla Muqdisho oo dhan
Qaar kamid ah Madaxdii hore ee dalka iyo Siyaasiyiinta Mucaaradka ah oo galabta shir jaraa’id ku qabtay magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ayaa kaga hadlay barakinta shacabka oo weli dowladdu ka...
Qaar kamid ah Madaxdii hore ee dalka iyo Siyaasiyiinta Mucaaradka ah oo galabta shir jaraa’id ku qabtay magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ayaa kaga hadlay barakinta shacabka oo weli dowladdu ka waddo qeybo kamid ah magaalada.
Burburinta guryaha ee Muqdisho ayay ku tilmaameen mid xarkaha goosatay oo iminka ay isku beddashay boob iyo bililiqo toos ah.
Waxaa ay sheegeen in madaxweyne Xasan Sheekh oo ka dhaga-furaystay joojinta barakinta dadka marasta ah ee magaalada deggan uu hadda u xuub-siibtay inuu beegsado dadka kuwa ugu jilicsan.
Dadkii ugu dambeeyay ee howlgalka burburinta uu barakiciyay ee Waaberi iyo kuwa iminka ay Cagaftu ka dul-dhawaaqayso in dhulalkaasi ay yihiin kuwa sharci oo seddex jiil ay kala dhaxlayeen ku dhowaad 100 sano.
Dadka iminka ay dowladda ka barakicineyso dhulalkooda ayay tilmaameen in ay yihiin dad aan xataa nolol maalmeedkoodu heli karin.
Mucaaradku waxay ku gooddiyeen in maanta aynaan ahaan doonin berri, islamarkaana uu jiro doono isla xisaabtan iyo qorshe ay xuquuqdooda dib ugu helayaan dadka dhulalkooda laga kiciyay.
Dad ku dhow nus milyan(500,000) ayay sheegeen in dowladdu ay ka burburisay guryahooda, taasoo ah masuuliyad darro weyn.
Sidoo kale waxaa ay shaaciyeen qorshe cusub oo ay iminka soo waddo dowladda federaalka kaasoo ah in guryaha Xamar ku yaalla dhammaantood laga doonayo lacag loogu sameynayo Sabar-Loog cusub oo Digital ah qofkii aan bixinna guriga laga la wareegi doono.
Madaxweynaha muddo dhaafka ah ee Xasan Sheekh oo ay ku eedeeyeen in dhibaatooyinkaasi oo dhan uu u sameynayo dhaqaale awgiis uu ka waan-toobo ficilladaasi.
Dayax Media Network
Galmudug, Somalia



[…] Britain ee ku aaddan in dowladda uu hoggaamiyo ee waqtigu ka idlaaday ay la heshiiso dhinacyada Mucaaradka […]
[…] Britain ee ku aaddan in dowladda uu hoggaamiyo ee waqtigu ka idlaaday ay la heshiiso dhinacyada Mucaaradka […]