Dhammeystirka Heshiiskii Jubbaland iyo Janan oo ka billaabanaya…
Sida ay sheegayaan warar ay heshay shabakadda Dayax Media heshiiskii isfahamka ahaa ee u dhaxeeyay dowlad goboleedka Jubbaland iyo taliyihii hay’adda NISA ee gobolka Gedo Cabdirashiid Xasan Janan...
Sida ay sheegayaan warar ay heshay shabakadda Dayax Media heshiiskii isfahamka ahaa ee u dhaxeeyay dowlad goboleedka Jubbaland iyo taliyihii hay’adda NISA ee gobolka Gedo Cabdirashiid Xasan Janan ayaa lagu wadaa in wajigiisii labaad oo ka qabsoomo magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya.
Wada-hadallada Nairobi ayaa qorshuhu yahay in laga soo saaro heshiis rasmi ah oo dhinacyadu ay ka gaareen khilaafaadkii siyaasadeed iyo kii amni ee muddaba ka jiray degmooyinka gobolka Gedo.
Il-wareedyo ayaa u sheegay Dayax Media in Cabdirashiid Janan iyo guddoomiye ku xigeenka gobolka Gedo Nasteex Saalax ayaa u ambabaxay maalin ka hor magaalada Nairobi.
Waxa ay halkaas kula kulmi doonaan madaxda ugu sarreysa Jubbaland sida madaxweyne Axmed Madoobe, ku xigeenkiisa koobaad Maxamuud Sayid Aadan, siyaasiyiin iyo ganacsato ay is-xigaan Janan oo xallinta khilaafka qeyb ka ahaa.
Dowladda Kenya ayaa la xaqiijiyay in ay tahay midda gar-wadeenka ahayd heshiiskani intii uu soo socday.
Kenya oo saaxiib dhow la ahayd Axmed Madoobe tobankii sano ee la soo dhaafay ayaa kala shaqeysay inay u kala dab-qaaddo isaga iyo Janan.
Cabdirashiid Janan ayaa markaa qorshuhu yahay in loo fasaxo Baasaboorkiisa Kenya oo iminka xanniban.
Heshiiska rasmiga ah kaddib waxaa Axmed Madoobe uu Cabdirashiid Janan u diyaariyay inuu qabto guud ahaan gobolka Gedo.
Ciidamada dowladda federaalka ah oo qeybo kamid ah gobolka jooga ayaa la qorsheeyay in wixii wada-hadal oggol Jubbaland lagu soo biiriyo halka inta kalena xoog looga saaro degmooyinka ay maamulaan.
Madaxweynaha Jubbaland ayaa muddooyinkii dambe aad uga dedaalayay in maamulka gobolka Gedo uu ku soo laabto gacantiisa siu u MW Xasan Sheekh Maxamuud uga la dagaallamo in gobolkaasi ay ka dhacdo doorashada aan heshiiska heysan ee cod iyo qof.
Wixii ka soo kordha kala soco halkaan.
Dayax Media Network
Galmudug, Somalia



No Comment! Be the first one.