MW Xasan Sheekh oo fagaare ka qirtay fashilka Wasiirradiisa
Madaxweynaha Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo ka hadlayay xaaladda siyaasadeed iyo tan amni ee dalka ayaa soo hadal qaaday qodobbo xasaasi ah. Waxa uu shaaciyay in dowladdu waqti aan...
Madaxweynaha Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo ka hadlayay xaaladda siyaasadeed iyo tan amni ee dalka ayaa soo hadal qaaday qodobbo xasaasi ah.
Waxa uu shaaciyay in dowladdu waqti aan fogayn ay aruurin doonto dhammaan hubka aan iminka gacanteeda ku jirin, – “Taas oo macnaheedu yahay in qof kasta oo hub leh dowladdu ay ka qaadi doonto”
Hase ahaatee, qorshahaasi waxaa uu shardi uga dhigay in marka hore dowladdu xoogeysato, isagoo carrabka ku adkeeyay in cid aan dowladda ahayn aysan hub haysan karin.
Hadalkaan ayuu ka sheegay magaalada Gaalkacyo ee Galmudug xilli uu hadal ka jeedinayay.
Xasan Sheekh ayaa hoosta ka xariiqay in ammaanka dalka uu sidoo kale ka sii wacan yahay balse aysan weli dadku aaminin arrintaas.
Isagoo dadkaasi sifeynayay ayuu tilmaamay inay kow ka yihiin qaar wasiirradiisa ah oo weli aamini la’ Nabadda la heysto islamarkaana weli is-garab wada askar iyo hub culus.
Dhowr jeer ayuu sheegay in wasiirradiisa uu kala hadlay arrintan balse ay dhaqan-gal noqon.
Siyaasiyiinta wata illaalada iyo hubka culus ayuu MW Xasan ku tilmaamay mid bixinaysa sawir aan wanaagsanayn.
Soomaaliya oo weli aan ka soo kaban burburkii ku dhacay 1991-kii, ayaa wali ku guuleysan la’ in la dhiso Haykalka dowladnimo, waxaa wali Soomaalida aysan ka heshiin arrinta siyaasadda taasoo fure u noqon karta dowlad wanaagga iyo ammaanka guudba.
Sida la aaminsan yahay MW Xasan Sheekh oo dalka aan ka bixin burburkii lana socday xaaladda ayaa iminka wada nidaam isaga kaligii uu majaraha u hayn karo sida laga dhadhansan karo hadalladiisa, iyadoo weli Soomaalida aysan ka siyaasadda ka heshiin.
Falan-qeeyeyaasha arrimaha dalka ayaa qaba aragtida ah in marka Soomaalidu ka heshiiso siyaasadda la heli karo nidaam dowladnimo iyo haybad qaran.
Dayax Media Network
Galmudug, Somalia



[…] Xasan Sheekh ayaa kulamo gaar ah la qaadan doona dhiggiisa Serbia Aleksandar Vučić, iyagoo ka wada hadlaya adkaynta xiriirka labada dowladeed, siyaasadda, dahanaha la wadaago iyo iskaashigaba. […]