Horjooge ka tirsanaa Alshabaab oo la dilay (Magaciisa?)
Wasaaradda Gaashaandhigga xukuumadda FS ayaa War-saxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay inay dishay horjooge ka tirsanaa Alshabaab. Dilka ninkani ayaa ka dhacay duleedka degaanka Daaru-Nimca oo u uku...
Wasaaradda Gaashaandhigga xukuumadda FS ayaa War-saxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay inay dishay horjooge ka tirsanaa Alshabaab.
Dilka ninkani ayaa ka dhacay duleedka degaanka Daaru-Nimca oo u uku dhuumaalaysanayay, waxaana lagu magacaabi jiray Xasan Xuseen Xuurshow(Xasan Garab-dheere).
Wasaaraddu waxay sheegtay in sidoo kale lala dilay mid kamid ah malleeshiyaadkii illaalada u ahaa.
Howlgalkani ayaa waxaa fuliyay laba ka tirsan ciidamada degaanka.
Horjoogaha la dilay Xasan Garab-dheere ayaa Alshabaab u qaabilsanaa waxa ay ugu yeeraan Zakawaadka degaannada kala ah; Caddaan-Laxeey, Cadcaddeey iyo Daaru-Nicma.
Dhowaan sidaan oo kale ciidamo ka tirsan kuwa degaanka ayaa fuliyay weerar ay ku dileen horjooge ka tirsanaa Shabaab isla gobolka Shabeellada dhexe.

Dayax Media Network
Galmudug, Somalia



No Comment! Be the first one.