Burcad-Baddeed qarka u saaran inay ka degaan Markabka LUTUF
Koox ka tirsan Burcad-Badeedda oo muddooyinkii dambe heystay Markab lagu magacaabo Lutuf ayaa waxaa soo wajahay culeysyo amni oo xaddiday dhaq-dhaqaaqooda. Wararka ayaa sheegaya in Burcad-Badeeddu ay...
Koox ka tirsan Burcad-Badeedda oo muddooyinkii dambe heystay Markab lagu magacaabo Lutuf ayaa waxaa soo wajahay culeysyo amni oo xaddiday dhaq-dhaqaaqooda.
Wararka ayaa sheegaya in Burcad-Badeeddu ay qarka u saaran tahay in ay si nabad ah uga degaan Markabkani maadaama ay hereeyeen laba Markab oo ah kuwa dagaalka.
Ilo-wareedyo ayaa u xaqiijiyay shabakadda Dayax Media in Burcad-badeedda saaran Markabkani loo oggolaaday in ay ku wareegaan Markabka kale ee la yiraahdo MV Sward oo ay Burcad badeeddu ku qabsatay Markabka Lutuf.
Markabkani Lutuf waxaa saaran qalad ay leedahay dowladda Turkiga, laba Markab oo ah kuwa dagaalka ee dowladdaasi ayaa isku geedaamay oo u diiddan inuu sameeyo wax dhaqdhaqaaq ah.
Laba Mayd ah oo kamid ah illaalada Markabkaasi ayaa weli saaran gudaha Markabkani Lutuf kuwaasoo dhintay xilli ay isku dayayeen inay dagaallamaan markii Kooxdu qabsanaysay.
Dhanka kale, maalin ka hor weerar diyaaradeed oo ka dhacay aagga lagu heysto Markabkani ee Garmaal oo ka tirsan gobolka Nugaal waxaa lagu dilay afar ka mid ahaa Burcad-Badeedda oo saxiimad u soo saarnaa dhanka barriga.
Wixii soo kordha dib kala soco halkaan.
Dayax Media Network
Galmudug, Somalia



[…] Markabkani Lutuf ayaa waxaa ku raran qalab ay leedahay Xukuumadda Ankara, waxaana dhowaan uu u gacan galay Koox Burcad-Baddeed Soomaali ah oo ku heysta aagga Xeebaha gobolka Nugaal. […]
[…] Markabkani Lutuf ayaa waxaa ku raran qalab ay leedahay Xukuumadda Ankara, waxaana dhowaan uu u gacan galay Koox Burcad-Baddeed Soomaali ah oo ku heysta aagga Xeebaha gobolka Nugaal. […]