Galmudug oo Digniin culus ka soo saartay safarka MW Deni
Xukuumadda Galmudug ayaa muujisay walaac amni oo ku aaddan safarka madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni uu ku marayo degaanno dhaca bariga gobolka Mudug. Wasiirka wasaaradda Dekadaha iyo...
Xukuumadda Galmudug ayaa muujisay walaac amni oo ku aaddan safarka madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni uu ku marayo degaanno dhaca bariga gobolka Mudug.
Wasiirka wasaaradda Dekadaha iyo Kalluumaysiga Galmudug Maxamuud Cabdi ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in Galmudug ay walaac ka qabto safarka MW Deni ee bariga gobolka Mudug.
“Waxaan ka digaynaa safarka Madaxweynaha Puntland, Deni, uu ku marayo deegaannada Bari ee gobolka Mudug, inuu ku tago deegaanno ka tirsan maamulka Galmudug, Isku dayga in la tago deegaanno ka tirsan maamulka Galmudug waxay horseedi kartaa isku dhac bulsho iyo maamul, iyo hurinta colaado hor leh, Bulshada ku dhaqan deegaannadaas waxay u baahan yihiin dib-u-heshiisiin iyo in nabadda si wadajir ah looga shaqeeyo”Ayuu yiri Wasiirka dekedaha Galmudug.
Wasiirka ayaa tilmaamay in ka Galmudug ahaan ay ka shaqeynayaan Nabadda islamarkaana ay ka hor-tagayaan wax kasta oo dhaawacaya nabadgalyada degaannadaasi.
Safarkani ayuu sifeeyay mid abuuri kara collaado sokeeye oo u dhaxeeya beellaha walaalaha ah ee wada deggan bariga gobolka oo ku kala abtirsada maamullada Galmudug iyo Puntland.
Puntland ayaan illaa iyo iminka wax jawaab ah ka bixin digniinta ka soo yeertay Galmudug.
Dayax Media Network
Galmudug, Somalia



No Comment! Be the first one.