XOG: Liibaan Axmed oo la dhaafinayo Kursiga Galmudug
Xogo horudhac ah oo ay heshay Shabakadda Dayax Media ayaa xaqiijinaya in go’aanka Maxkamadda sare ee dalka uu hor-istaagi karo hadafka siyaasi ganacsade Liibaan Axmed Xasan oo muddo dedaallo ugu...
Xogo horudhac ah oo ay heshay Shabakadda Dayax Media ayaa xaqiijinaya in go’aanka Maxkamadda sare ee dalka uu hor-istaagi karo hadafka siyaasi ganacsade Liibaan Axmed Xasan oo muddo dedaallo ugu jiray noqoshada madaxweynaha soo socda ee dowlad goboleedka Galmudug.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la soo wariyay inuu wax ka og yahay go’aanka maxkamadda sare ay ku laashay natiijada doorashadii isku sidkanayd ee Galmudug.
Tallaabada Maxkamadda ayaa dadka odrosa siyaasadda ay u arkaan mid lugaha qaban karta damaca Ganacsadaha weyn ee Liibaan Axmed oo rajaynayay noqoshada Madaxweynaha cusub ee Galmudug.
Saaxiibo siyaasadeed ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh ku qanciyay in dib looga fiirsado cidda Villadu u xulanayso hoggaanka cusub ee dowladda Galmudug, sida Dayax Media u sheegeen il-wareedyo arrintani ka ag dhow.
Shakigani ayaa durba bannaanka yimid kaddib safarkii madaxweyne Xasan Sheekh ee magaalada Gaalkacyo, iyadoo Liibaan loo aaneynayo arrimo siyaasadeed oo Villa Somalia ka damacsanayd safarkaasi.
Qaar kamid ah saaxiibada madaxweynaha ayaa ku doodaya, in Ganacsadaha uu berri isbeddali karo xagga siyaasadda mawqif ahaan islamarkaana aysan heysan wax damaanad qaadaya shaqooyinka ay ka rabaan xaggiisa.
Dadka arrintan qaba waxaa dooddooda xoojinaya in Ganacsade Liibaan Axmed uu yahay nin isku filan xagga dhaqaalaha haddii berri uu ka baxo garabkooda.
Madaxweynaha Xasan Sheekh ayay u muuqataa in uu saaxiibadiisa ku yara qancay aragtidooda iyadoo lagu ballamay in dib loogu laabto odoros kale oo la xariira cidda noqonaysa hoggaanka Galmudug.
Mad-madowga siyaasadeed ee soo kala dhex-galay MW Xasan Sheekh Maxamuud iyo Liibaan Axmed Xasan ayaa waxaa majaraha u haya siyaasiyiin dhowr ah oo foolaad u yihiin kuwa sida gaarka ah ugu dhow madaxweynaha Soomaaliya.
Lama oga halka ay ku dambayn doonto arrintani soo shaac baxday, iyadoo illaa iminka Ganacsade Liibaan uusan ka hadlin mawqifka maxkamadda sare.
Villa Somalia, ayay u badan tahay in dib ay uga arrinsato cidda loo xulayo hoggaanka cusub ee dowlad goboleedkani Galmudug.
Dayax Media Network
Galmudug, Somalia



No Comment! Be the first one.