Xisbiga Towfiiq oo soo dhoweeyay go’aanka Maxkamadda
Guddoomiyaha xisbiga Towfiiq Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo goor dhow warfidiyeenka kula hadlay xarunta xisbiga ee magaalada Dhuusamareeb ayaa soo dhoweeyay go’aanka Maxkamadda sare ay ku...
Guddoomiyaha xisbiga Towfiiq Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo goor dhow warfidiyeenka kula hadlay xarunta xisbiga ee magaalada Dhuusamareeb ayaa soo dhoweeyay go’aanka Maxkamadda sare ay ku laashay doorashadii Galmudug.
Dr. Maxamed Shaakir ayaa taageerayaashiisa faray in ay dibadbax ku soo dhoweeyaan go’aanka Maxkamadda sare maadaama ay aqbashay cabashadii looga gudbiyay doorashadii isku sidkanayd.
Waxaa uu tilmaamay in maanta ay noqon doonto maalin weyn oo loo asteeyo maalin caddaaladeed maadaama la aqbalay cabashadii ay ka qabeen doorashadii Galmudug ka qabsoontay.
Guddoonka Maxkamadda sare ayuu ku bogaadiyay go’aanka taariikhiga ah oo ay qaateen.
Sidoo kale Sheekh Shaakir ayaa u mahadceliyay qareennadii xisbiga Towfiiq uu sheegay in Maxkamadda horteeda ay ka muujiyeen cadaalad darradii ka dhacday doorashooyinkii isku sidkanaa ee Galmudug.
Dayax Media Network
Galmudug, Somalia



[…] Xisbiga Towfiiq oo soo dhoweeyay go’aanka Maxkamadda […]
[…] u burisay natiijada doorashadii dhowaan ka qabsoontay Galmudug, kaddib markii ay aragtay dacwadda xisbiga Towfiiq ee uu hoggaamiyo Sheekh Maxamed Shaakir Cali […]