Muxuu yahay Hadalka Liibaan ee dhalliyay Hadal-heynta?
Dhuusamareeb, Galmudug – Musharraxa Madaxweynaha Galmudug ee xisbiga JSP, Ganacsade Liibaan Axmed Xasan, ayaa markii ugu horreysay ka hadlay go’aanka Maxkamadda Sare ee dalka ee lagu buriyay...
Dhuusamareeb, Galmudug – Musharraxa Madaxweynaha Galmudug ee xisbiga JSP, Ganacsade Liibaan Axmed Xasan, ayaa markii ugu horreysay ka hadlay go’aanka Maxkamadda Sare ee dalka ee lagu buriyay natiijadii doorashadii isku sidkanayd ee Galmudug.
Liibaan Axmed Xasan oo muuqaal kooban kaga hadlay go’aanka Maxkamadda ayaa sheegay in ay aqbaleen go’aanka, isagoo xusay in Guddiga Doorashooyinka iyo xisbiga JSP ay soo dhaweeyeen go’aanka maxkamadda.
“Waan aqbalnay maadaama ay aqbaleen Guddiga Doorashooyinka iyo xisbiga JSP,” ayuu yiri Liibaan Axmed Xasan.
Hadalkan ayaa durba dhaliyay hadal-heyn ka dhex bilaabatay bulshada iyo dadka sida dhow ula socda siyaasadda Galmudug, gaar ahaan maadaama uu Liibaan hadalkiisa ku xusay mowqifka Guddiga Doorashooyinka iyo xisbiga JSP.
Qaar ka mid ah dadka falanqeeya siyaasadda ayaa hadalka Liibaan u fasirtay inuu muujinayo kala duwanaansho ku saabsan sida go’aanka Maxkamadda Sare loo wajahayo. Si kastaba, ma jirto caddeyn rasmi ah oo muujinaysa inuu khilaaf siyaasadeed oo rasmi ah ka dhex jiro Liibaan Axmed Xasan iyo hoggaanka xisbiga JSP.
Warar ku saabsan khilaaf siyaasadeed
Maalmihii lasoo dhaafay waxaa soo baxay warar aan si rasmi ah loo xaqiijin oo ku saabsan khilaaf la sheegay inuu soo kala dhex galay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Liibaan Axmed Xasan.
Wararkaasi ayaa sidoo kale tilmaamaya in ay jiraan aragtiyo kala duwan oo ku saabsan sida loo wajahayo doorashada Galmudug iyo tallaabooyinka xiga ee laga qaadayo kadib go’aanka Maxkamadda Sare.
Hase yeeshee, illaa iyo hadda ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, xisbiga JSP ama Liibaan Axmed Xasan oo xaqiijinaya inuu jiro khilaaf noocaas ah.
Sidoo kale, ma jirto war rasmi ah oo caddeynaya in Liibaan Axmed Xasan laga qaaday musharraxnimadiisa ama tikitkii uu hore uga helay xisbiga JSP ee doorashada madaxtinimada Galmudug.
Arrintan ayaa imaanaysa xilli siyaasadda Galmudug ay wajahday marxalad cusub kadib go’aanka Maxkamadda Sare, iyadoo indhaha lagu hayo tallaabooyinka ay qaadi doonaan Guddiga Doorashooyinka, xisbiyada siyaasadda iyo dhinacyada kale ee ku lugta leh geeddi-socodka doorashada.
Dayax Media Network ayaa sii wadi doona la socodka xaaladda siyaasadeed iyo doorashada Galmudug, iyadoo la soo gudbinayo wararka iyo xogaha si rasmi ah loo xaqiijiyo.
Wararkii ugu dambeeyay arrimaha Galmudug kala soco halkaan.
Dayax Media Network
Galmudug, Somalia



[…] Muxuu yahay Hadalka Liibaan ee dhalliyay Hadal-heynta? […]