AKHRISO: Ujeedka safarka RW Xamsa ee dalka Qatar
Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta u ambabaxay wadanka Qatar, kaddib markii uu ka helay madaxda dowladdaasi casuumaad rasmi ah. Sida lagu sheegay...
Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta u ambabaxay wadanka Qatar, kaddib markii uu ka helay madaxda dowladdaasi casuumaad rasmi ah.
Sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay xafiiskiisa wasiirka koobaad ee XFS Xamsa Barre ayaa socdaalkiisa Qatar wuxuu daaran yahay Dardar-gelinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Qatar.
Inta uu ku sugan yahay Qatar waxaa uu la kulmi doonaa madaxda dalkaasi isagoo kala hadli doonaa arrimo kale duwan.
Sida uu fahamsan yahay Dayax Media madaxda Qatar ayaa la wariyay in Raysal wasaare Xamsa waxyaabaha ay kala hadlayaan ay ku jirto arrinta khilaafka siyaasiga ah ee ka taagan doorashada maadaama dowladdaasi ay ka mid tahay dowladaha galaangalka ku lahaa saxaada siyaasadda Soomaaliya muddooyinkii dambe.
Wixii ka soo kordha halkaan kala soco.
Dayax Media Network
Galmudug, Somalia



[…] AKHRISO: Ujeedka safarka RW Xamsa ee dalka Qatar […]
[…] AKHRISO: Ujeedka safarka RW Xamsa ee dalka Qatar […]