FAAFAAHINTA: Dhul-gariir ka dhacay degmo ka tirsan Puntland
Sida ay ku warrameen dadka degaanka Dhul-gariir xooggan ayaa xalay saqdii dhexe ka dhacay degmada Caluula ee gobolka Bari. Cabbirka Dhul-gariirka oo lagu qiyaasay 6.0 Magnitude ayaa ka dhacay gudaha...
Sida ay ku warrameen dadka degaanka Dhul-gariir xooggan ayaa xalay saqdii dhexe ka dhacay degmada Caluula ee gobolka Bari.
Cabbirka Dhul-gariirka oo lagu qiyaasay 6.0 Magnitude ayaa ka dhacay gudaha biyaha Soomaaliya ee Xeebaha degmada Caluula oo ka tirsan Puntland.
Hay’adda Cilmi Baarista Juquraafiga Maraykanka ee loo soo gaabiyo (USGS) ayaa tilmaamtay in Jihada waqooyi meel heeladdii u jirta Caluula 91 Mayl laga dareemay islamarkaana uu ka dhacay qoto dhan 6.3Mayl.
Khasaare rasmi ah oo ka dhashay dhul-gariirkani illaa iyo iminka lama soo sheegin.
Dowladda federaalka iyo Puntland ayaa sidoo kale wali wax war ah ka soo saarin arrintani.
Galmudug, Somalia



No Comment! Be the first one.