MW Deni oo shaaciyay Cidda ka dambeysa Burcad-Badeedda
Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa ka hadlay falalka Burcad-Badeedda oo muddooyinkii ku sii xoogeysanayay xeebaha maamulkaasi. Waxaa uu sheegay in howlaha Burcad-Badeedda ay ka...
Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa ka hadlay falalka Burcad-Badeedda oo muddooyinkii ku sii xoogeysanayay xeebaha maamulkaasi.
Waxaa uu sheegay in howlaha Burcad-Badeedda ay ka dambeeyaan dalal shisheeye oo arrintaa ka leh dano gaar ah.
MW Deni ayaa daboolka ka qaaday in dowladaha shisheeye Burcad-Badeedda ka dambeeya ay doonayaan Khayraadka Badda iyo kan Barriga.
Isagoo ka hadlayay degaanka Garacad ayuu tilmaamay in la doonayo in la yiraahdo Puntland ma difaaci karto falalka Burcad-Badeedda kaddibna ciidamo la soo dejiyo Xeebaha kaddibna ay gurtaan Khayraadka Puntland.
Madaxweynaha Puntland Saciid Deni ayaa ku wargaliyay Beesha Caalamka iyo shacabka Puntlandba in xukuumaddiisu ay si xooggan ula dagaallamayso Kooxaha.
Puntland ayaa hore kaalin uga qaadatay la dagaallanka Burcad-Badeedda iyadoo qeyb gashay howlgallo lagu burburiyay Kooxahaasi.
Dayax Media Network
Galmudug, Somalia



[…] MW Deni oo shaaciyay Cidda ka dambeysa Burcad-Badeedda […]