Turkiga oo Adduun Lacageed ku furtay Markabkii MV LUTUF
Sida ay sheegayaan wararka ay heleyso shabakadda Dayax Media waxaa maanta la sii daayay Markabkii u rarnaa dowladda Turkiga ee lagu heystay degaanno dhaca Xeebaha gobolka Nugaal ee Puntland....
Sida ay sheegayaan wararka ay heleyso shabakadda Dayax Media waxaa maanta la sii daayay Markabkii u rarnaa dowladda Turkiga ee lagu heystay degaanno dhaca Xeebaha gobolka Nugaal ee Puntland.
Markabkani iyo shaqaalihii saarnaa ayaa maanta dib u helay xoriyaddooda kuwaasoo dhowr dal ka soo kala jeeda.
Lutuf ayaa waxaa uu u rarnaa xarunta tababarka ciidanka TURKSOM, waxaana uu sidaa hub, Agab Isgaarsiineed iyo qalab kale oo muhiim ah.
Markabkani ayaa Turkiga uu ku furtay 2.5 Malyan oo dollarka Maraykanka ah, kaddib wada-hadallo ay fududeysay dowladda FS gaar ahaanna guddoomiyaha gollaha shacabka Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Cali Xoosh.
Turkiga ayaa markii hore isku dayay inuu xoog ku furto Markabkaasi, inkastoo isku dayadaasi ay fashilmeen.
Lutuf ayaa waxaa saarnaa ku dhowaad 10 Shaqaale iyo sidoo kale laba Mayd ah oo ka tirsanaa Illaalada Markabka kuwaasoo la dilay markii la qabsanayay xilli ay isku dayeen in ay dagaallamaan.
Intii ay Burcad-Badeeddani ay heysatay Markabkani ayaa la soo wariyay inay ku qabsadeen Markab kale oo la yiraahdo MV Sward.
Falalka Burcad-Badeedda ayaa muddooyinkii dambe sii kordhayay, iyadoo walaac laga muujinayo amniga Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.
Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa shalay sheegay in Burcad-Badeedda ay ka dambeeyaan dowlado shisheeye oo doonaya inay boobaan Khayraadka Puntland.
Dayax Media Network
Galmudug, Somalia



[…] Turkiga oo Adduun Lacageed ku furtay Markabkii MV LUTUF […]
[…] Turkiga oo Adduun Lacageed ku furtay Markabkii MV LUTUF […]
[…] Turkiga oo Adduun Lacageed ku furtay Markabkii MV LUTUF […]