Puntland oo Amar dul-dhigtay Maamullada Degmooyinka
Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo dowladaha hoose ee dowlad goboleedka Puntland Cabdi Xirsi Cali(Qarjab), ayaa amarro culus dul-dhigay maamullada degmooyinka. Amarradani ayuu dul-dhigay...
Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo dowladaha hoose ee dowlad goboleedka Puntland Cabdi Xirsi Cali(Qarjab), ayaa amarro culus dul-dhigay maamullada degmooyinka.
Amarradani ayuu dul-dhigay golayaasha degaanka iyo guddoomiyeyaasha degmooyinka kale duwan ee Puntland.
Wareegto ka soo baxday xafiiska wasaaradda arrimaha gudaha ayaa lagu faray dhinacyada inay si buuxdo u dhaqan-geliyaan amarrada cusub si loo xaqiijiyo hufnaanta shaqo ee maamullada dowladaha hoose u hayaan bulshada.
Guddoomiyeyaasha degmooyinka ayaa la faray in aysan dalka ka bixi karin illaa ay fasax weydiistaan guddoomiyeyaasha gobollada.
Isu-duwayaasha ayaa iyana la amray in sidaasi ay sameeyaan inta aysan bixin.
Xoghayeyaasha degmooyinka ayaa iyana la faray inay fasax weydiistaan duqa magaaladooda in aysan bixin.
Geesta kale, wasaaradda arrimaha gudaha Puntland ayaa gebi ahaanba mamnuucday in kal-fadhiyada gollaha degaanka dib loo dhigo labo jeer oo isku xigta haddii aysan jirin sababo maan-gal ah.
Waxay tilmaamtay in golayaasha degaanku luminayaan xasaanaddooda haddii labo jeer oo isku xigta uu dib u dhac ku yimaado kalfadhigooda.
Warka ka soo baxay Wasaaradda ayaa lagu sheegay in tallaabo sharci iyo mid maamul ay ka qaadi doonto cid kasta oo aan u hoggaansamin ammarada cusub.

Dayax Media Network
Galmudug, Somalia



No Comment! Be the first one.