DF iyo Mucaaradka oo ku heshiiyay dhismaha Guddi cusub
Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dhinacyada Mucaaradka ee kala ah Gollaha Mustaqbalka, Gollaha Midnimada Qaran iyo Nabad iyo Nolol ayaa Beesha Caalamka u gudbiyay nuqul rasmi ah oo ku saabsan...
Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dhinacyada Mucaaradka ee kala ah Gollaha Mustaqbalka, Gollaha Midnimada Qaran iyo Nabad iyo Nolol ayaa Beesha Caalamka u gudbiyay nuqul rasmi ah oo ku saabsan is-afgarad ay gaareen.
Nuqulkani oo ay aragtay Shabakadda Dayax Media ayaa tilmaamaya hannaan doorasho oo ay ku heshiiyeen labada dhinac.
Is-afgaradkani ayaa qeexaya in la dhiso guddi doorasho oo diyaarinaya doorashooyinka dowladda Soomaaliya.
Dhowaan ayaa loo madlan yahay inay kulmaan madaxda dowladda FS iyo kuwa Mucaaradka ah, waxaana la qorsheeyay ka hor in la dhiso guddigani farsamada ah.
Guddigani Farsamada ah ayaa fududeynaya sameynta hannaan doorasho oo loo dhan yahay.
Ilo muhiim ah ayaa xaqiijinaya in Dowladda federaalka iyo dhinacyada Mucaaradka ah uu guddiga ka koobnaan doono, iyadoo ay xubno ku yeellan doonaan maamullada iyo ururrada bulshada rayidka ahi.
Shaqada ugu weyn ee guddigani qaban doonaan ayaa ah sidii ay u mideyn lahaayeen aragtiyada kale duwan ee ku saleysan hannaanka doorashada oo horey ay u soo bandhigeen Dowladda federaalka, Gollaha Mustaqbal, Nabad iyo Nolol iyo Gollaha Midnimada Qaran.
Dadka odrosa siyaasadda ayaa aaminsan haddii guddiga uu ku guuleysto mideynta soo jeedinta hannaanka doorasho ee dhinacyadani ay suurtagalin karto qabashada doorasho loo dhan yahay.
Beesha Caalamka ayaa dadaallo badan ku bixinaysay sidii saamileyda siyaasaddu uga heshiin lahaayeen khilaafka gaamuray ee quseeya habka doorashada loo qabanayo iyo nooca ay noqonayso.
Dowladda federaalka ayaa horey u sheegtay in doorasho cod iyo qof ah ay ka qabanayso dalka taasoo ay Mucaaradka ka muujiyeen shaki xooggan
Xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya ayaa weli sal-dhigan iyadoo marka la gaaro waqtiga kala guurka ah ay soo shaac baxaan khilaafyo xooggan oo hareeya horu-socoshada nidaamka dowladnimo ee dalka oo weli la kab-kabayo.
Wixii ka soo kordha kala soco halkaan.
Dayax Media Network
Galmudug, Somalia



[…] FS iyo Puntland ayaa weli waxaa ka dhex taagan khilaaf siyaasadeed oo dhowr sano soo jiitamayay kaasoo suntan wax ka beddalka Dastuurka dalka iyo hannaanka loo marayo […]