Gabdhaha Ciidanka Jubbaland oo Tababar loo furay (SAWIRRO)
Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Dowlad goboleedka Jubbaland, Jeneraal Yuusuf Xuseen Cismaan (Dhumaal), ayaa maanta magaalada Kismaayo ka furay tababar aqoon kororsi ah oo loogu tala-galay Gabdhaha...
Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Dowlad goboleedka Jubbaland, Jeneraal Yuusuf Xuseen Cismaan (Dhumaal), ayaa maanta magaalada Kismaayo ka furay tababar aqoon kororsi ah oo loogu tala-galay Gabdhaha ka tirsan ciidamada kala duwan ee Jubbaland iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ku sugan magaaladaasi.
Waxaa wasiirka ku wehliyay wasiirka wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Marwo Cadar Ismaaciil Cabdullaahi, Taliyaha Booliska Jubbaland ahna Taliyaha qeybta gobolka Jubbada Hoose G/sare Sadiiq Maxamuud Dhogor, agaasimaha guud ee wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka iyo xubno ka tirsan wafdi ka socday UNSOM oo uu hoggaaminayay Police Commissioner-ka UNSOM.
Tababarkani oo uu soo agaasimay Taliyaha Booliska Jubbaland, waxaa bixinayay macallimiin ka socday Ciidanka Booliska Sierra-Leone ee qaybta ka ah UNPOL.
Ujeeddada tababarka ayaa ah kor u qaadidda aqoonta iyo xirfadaha Gabdhaha ciidamada, si loo xoojiyo kaalintooda sugidda amniga iyo nabadda.
Kadib furitaanka tababarka, Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Dowladda Jubbaland, Marwo Cadar, ayaa bilad sharaf guddoonsiisay gabadh ka tirsan Ciidanka Booliska Dowladda Jubbaland, taas oo ka mid ahayd ardaydii sanadkan ku baasay Imtixaanka Shahaadiga ah ee hugs iga sare.






















Dayax Media Network
Galmudug, Somalia



No Comment! Be the first one.