Puntland oo la wareegaysa Hubka gacanta ugu jira Beellaha …
Dowlad goboleedka Puntland ayaa ku dhawaaqday qorshe xooggan oo ay ku doonayso in ay gebi ahaanba ku soo afjarto Dagaal Beeleedyada soo laab-laabtay ee dhexmara Beelaha wada deggan dhulalka Miyiga...
Dowlad goboleedka Puntland ayaa ku dhawaaqday qorshe xooggan oo ay ku doonayso in ay gebi ahaanba ku soo afjarto Dagaal Beeleedyada soo laab-laabtay ee dhexmara Beelaha wada deggan dhulalka Miyiga ah.
Qorshahani ayuu maamulku ka leeyahay in lagu afmeero colaadda soo jiitamaysay tobaneeyo sano ee u dhaxeysa Beelaha ood wadaagga ah ee had iyo jeer ku dagaallama Dhul daaqsiinka iyo Biyaha.
Xukuumaddu waxay sheegtay in la wareegayso Hubka loo isticmaalo Dagaalladani oo iminka la rumeysan yahay inuu gacanta ugu jiro Beellaha.
Waxaa ay ku gooddisay in ay tallaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono cid kasta oo ku howlan ama ka shaqeysa hurinta islamarkaana ka qeyb qaadata Colaad Beeleedyada ka dhaca gudaha degaannada Puntland.
“Hay’adaha amnigu waxay tillaabo sharciga waafaqsan ka qaadayaan, lana wareegayaan wixii hub ah ee loo isticmaalo dagaal beeleedyada iyo ciddii ka qayb qaadata dagaalada beelaha dhexdooda ah” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed laga soo saaray shir amni oo uu guddoomiyay madaxweyne Saciid Deni.
Go’aankan ayaa yimid, xilli mararka qaarkood deegaannada Puntland ay ka dhacaan dagaaal beeleedyo loo isticmaalo Gaadiidka Dagaalka ee loo yaqaano tiknikada.
Dagaalladani ayaana badi ka dhaca Dhulalka Miyiga ah ee ay degaan dadka Xoolo Dhaqatada ah.
Dayax Media Network
Galmudug, Somalia



No Comment! Be the first one.