XIL. Jeesow “Lafta-Gareen ayay ku dambeyn doontaa Baydhabo”
Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka tirsan gollaha shacabka baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa ka hadlay dagaalkii saaka ka dhacay magaalada Baydhabo. Waxaa uu sheegay in ciidamada Lafta-Gareen...
Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka tirsan gollaha shacabka baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa ka hadlay dagaalkii saaka ka dhacay magaalada Baydhabo.
Waxaa uu sheegay in ciidamada Lafta-Gareen ay yihiin ciidankii Daraawiishta ee maamulka ahaa kuwaasoo u baxay bannaanka magaalada tabasho ay ka qabaan hannaanka ay dowladda federaalka u dhistay Koonfur Galbeed.
Jeesow ayaa gaashaanka u daruuray in ciidankaasi ay yihiin Alshabaab, maadaama Dowladda iyo Koonfur Galbeed ay horey u sheegeen in ay qeyb ka yihiin ciidanka Lafta-Gareen Alshabaab.
“Dagaalkani waa dhiig-bixin, daalis waaye, wuxuu la mid yahay dagaalkii Laascaanood” ayuu yiri mudane Daahir Jeesow.
Waxa uu carrabka ku adkeeyay in ciidanka Madaxweynihii hore Cabdicasiis Lafta-Gareen ay ugu dambeyn qabsan doonaan magaalada Baydhabo, islamarkaana weerarradani ay u muuqdaan kuwa xagla-daalis ah, sida uu hadalka u dhigay.
Xildhibaan Daahir Jeesow ayaa sheegay inuu ka xun yahay colaadda Baydhabo oo uu ku eedeeyay in dowladda federaalka Soomaaliya ay u min-guurisay dagaalkaasi shacabka masaakiinta ah ee deggan ee magaaladaasi.
Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay dagaalkani oo kala gaaray labada dhinac, iyadoo dhaawacyada intooda badan la gaar siiyay Isbitaalka dhexe ee Baydhabo, waxaana saraakiisha dhaawacmay kamid ah Taliye Cabdulle Isaaq.
Taliyihii guutada 8aad ee xoogga dalka ayaa la soo sheegayaa uu kamid yahay saraakiisha dhaawaca halista ah uu ka soo gaaray dagaalkii saaka ka dhacay Baydhabo.
Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa aragti daciif ah ku tilmaamay in cid kasta oo kaa soo horjeedda siyaasadda lagu tilmaamo Alshabaab.
Xaaladda Baydhabo ayaa yara deggan, iyadoo ay dib u billaabanayaan isa socodka dadka iyo dhaq-dhaqaaqa ganacsiga magaaladaasi oo saaka hakad uu ku yimid kaddib dagaalkii ay soo qaadeen ciidanka Lafta-Gareen.
Dayax Media Network
Galmudug, Somalia



[…] XIL. Jeesow “Lafta-Gareen ayay ku dambeyn doontaa Baydhabo” […]