Faahfaahin: Taliye Shub oo Dhaawacmay kaddib Diyaarad …
Warar dheeraad ah ayaa saaka oo Jimce ah ka soo baxaya weerar lagu qaaday guri uu degganaa Taliyihii hore ee ciidanka Asluubta dowladda FS GEN. Mahad Cabdiraxmaan Aadan oo ku yaalla gobolka Gedo....
Warar dheeraad ah ayaa saaka oo Jimce ah ka soo baxaya weerar lagu qaaday guri uu degganaa Taliyihii hore ee ciidanka Asluubta dowladda FS GEN. Mahad Cabdiraxmaan Aadan oo ku yaalla gobolka Gedo.
Weerarka oo loo adeegsaday Diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn ee Drone-ta, ayaa ka dhacay guri Taliyuhu ka degganaa degmada Doolow maalmihii dambe.
Ilo ka ag dhow Jeneraal Mahad Cabdiraxmaan ayaa u xaqiijiyay Shabakadda Dayax Media in weerarkani uu Taliyaha ka soo gaaray dhaawac fudud halka u u ku dhintay mid kamid ah illaaladiisa gaarka ah.
Wararka qaar ayaa sheegaya in sidoo kale ay dhimasho iyo dhaawac noqdeen saraakiil ciidan oo Taliyaha la joogtay gurigaasi ku yaalla Doolow oo beryihii dambe u ahaa fariin ku meel gaar ah.
Il-wareedyo amni ayaa u sheegay Dayax Media in Diyaaradda Drone-ta laga soo kiciyay magaalada Muqdisho, halka kuwa kale ay tilmaamayaan in laga diray garoonka Diyaaradaha Baydhabo.
Sida laga soo xigtay Saraakiisha Amni, saldhigga Turkiga uu ku leeyahay magaalada Muqdisho ayaa laga abaabulay weerarka lagu qaaday Jeneraal Shub.
Ilaha ku dhow Taliyaha waxay sheegeen in dhaawaca gaaray Shub uu yahay mid fudud islamarkaana durba xalay loo sameeyay dabiib caafimaad.
Jeneraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan oo laba jeer soo noqday Taliyaha ciidanka Asluubta ee dowladda Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe muujinayay saluug ku aaddan hannaanka loo maray dhismaha maamulka Koonfur Galbeeed.
Madaxweynaha maamulkaasi Aadan Maxamed Nuur(Madoobe) ayuu ugu gooddiyay kal hore in uusan ku nasan doonin magaalada Baydhabo, oo habeen haddaan la weerarin habeenka labaad uu fisho weerarka ciidanka daacadda u ah MW hore Cabdicasiis Lafta-Gareen oo saldhigyo ku leh bannaanka magaaladaasi.
Weerarka ay dowladda federaalka ku qaaday Taliye Shub ayaa dhalin kara cambaareyn Caalami ah, maadaama loo arki karo in xukuumadda waqtigeedu dhammaaday ay go’aansatay in ay disho ciddii ka aragtida duwanaata.
Dowladda Turkiga ayaa horey loogu eedeeyay inay fara-gelin siyaasadeed iyo mid amniba ku heyso Soomaaliya oo si toos ah ay ula soo safatay madaxweynaha muddo xileedka uu ka idlaaday ee mudane DR. Xasan Sheekh Maxamuud.
Shalay ayay ahayd markii dagaal ay ku dhinteen saraakiil sare oo ka kala tirsan DF iyo Koonfur Galbeed uu ka dhashay magaalada caasimadda KMG u ah ee Baydhabo.

SAWIRKA: Waa Taliye Shub oo dhaawaciisa lagu dabiibayo gudaha degmada Doolow ee gobolka Gedo.
Dayax Media Network
Galmudug, Somalia



[…] Faahfaahin: Taliye Shub oo Dhaawacmay kaddib Diyaarad … […]