“Abti ha i dilina” Dhacdo Argagax leh oo ka dhacday …
Dil la la xariiriyay aano qabiil ayaa ka dhacay degaanka Ceel-Baraf oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe kaasoo loo geystay askari ka tirsan ciidanka xoogga dalka. Dableey hubeysan oo ka soo jeedda...
Dil la la xariiriyay aano qabiil ayaa ka dhacay degaanka Ceel-Baraf oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe kaasoo loo geystay askari ka tirsan ciidanka xoogga dalka.
Dableey hubeysan oo ka soo jeedda Shabeellaha Dhexe ayaa baabuur safar u ahaa gobolka Hiiraan kala degay Askariga kaddibna u dilay si argagax leh.
Marxuumka ayaa ka soo tegay isla degaanno ka tirsan Shabeellaha Dhexe oo ciidamada weli ay ku dagaallamayaan Alshabab.
Askariga la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Axmed Shire Xuseen (Guudeey), waxaana dhacdada argagaxa u yeellay ayaa ah in muuqaal fool-xun ay ka duubeen marxuumka oo si arxan-darro ah ay u dilayaan.
Dhacdadani oo hadal-heyn badan ka dhalisay baraha bulshada ayaa waxaa ka hadlay dadyow kale duwan oo ay kamid yihiin xildhibaanno iyo masuuliyiin.
Waxay sheegeen in falkani wuxuushnimada ah ee ka dhacay Shabeellaha Dhexe uu yahay mid ka fog Islaamnimada, Dadnimada iyo beni’aadantinimada.
Marxuumka oo ay muuqaal ka duubeen dilka ka hor ayaa soo muuqanaya isagoo ku calaacalaya; “Abti ha i dilina, ma ogayn in aano qabiil jirtay oo dambi haddaan isku ogahay waddadan ma soo mareen, illaa saaka wax ma cunin, waana xanuunsanahay shaqadii ciidanka ayaan ka soo fasax qaatay”
“Abtiyaal, hay dilina” ayaa ahaa erayada uu aad ugu cel-celinayay inta uu soconayay muuqaalka ay duubeen dableyda falka geysatay.
Muuqaalkaasi kaddib ayay dileen, waxaana wararka qaar ay sheegayaan in baangado lagu jar-jaray hilibkiisa, arrintaasoo argagax ku beertay dhammaan Soomaalida.
Dhacdadani ayaa ah mid si weyn looga hadal-hayo dhammaan madallada bulshada Soomaalida ay ku kulanto meel walba oo ay joogaan.
Xukuumadda federaalka iyo dowlad goboleedka Hirshabeelle weli kama aysan hadlin falkaan arxan-darrada ah ee ka dhacay xuduudka ay wadaagaan gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan.
Kal hore sidan oo kale askar ka tirsan ciidanka xoogga dalka oo dhowr askari ahaa ay dabley hubeysan waddada u gashay kaddibna wada dishay.
Dayax Media Network
Galmudug, Somalia



[…] “Abti ha i dilina” Dhacdo Argagax leh oo ka dhacday … […]