Nuur Dheere oo si adag kaga hadlay Dhacdadii Argagaxa lahayd
Guddoomiyaha degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan Nuur Maxamed Abusge ayaa si adag uga hadlay falkii dabley hubeysan ay shalay ku dileen Askari ka tirsan ciidanka xoogga dalka oo ku safrayay gobolka...
Guddoomiyaha degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan Nuur Maxamed Abusge ayaa si adag uga hadlay falkii dabley hubeysan ay shalay ku dileen Askari ka tirsan ciidanka xoogga dalka oo ku safrayay gobolka Shabeellaha Dhexe.
Waxaa uu sheegay in dhacdadan ay ku beertay walaac xooggan maamulka iyo bulshada, isagoo hoosta ka xariiqay in aan loo dulqaadan doonin falalka aanada qabiil ee ku soo laablaabtay tiro ka dhowr jeer xuduudka ay wadaagaan labada gobol ee Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.
Guddoomiye Nuur Dheere ayaa tallaabo sax ahayn ku tilmaamay in maamulka degmada uu badbaadiyo dadka ka soo jeeda Shabeellaha Dhexe, halka dhinaca kale uu sheegay in aysan soo qaban dambiilayaasha falalkani geysta.
Maamulka gobolka Shabeellaha Dhexe ayuu ku eedeeyay in dambiilayaasha ay siiyaan gabbaad islamarkaana ay kala shaqeeyaan inay baxsadaan.
Waxa uu tilmaamay in Askari Qaran aan loo dhibaateyn karin arrimo ku saabsan qabiil.
Guddoomiyaha Jalalaqsi Nuur Dheere ayaa dowladda federaalka iyo maamulka Shabeellaha Dhexe ugu baaqay in ay si degdeg ah u soo qabato dambiilayaasha islamarkaana la hor-geeyo Cadaaladda, si fitnada aysan u sii daba dheeraanin.
Maamulka Jalalaqsi oo hoggaamiyo Nuur Dheere ayaa muddo ka hor maamulka Shabeellaha Dhexe ku wareejiyay nin gobolkaasi ka soo jeeda oo isagoo ku safrayay gobolka Hiiraan ay dableey gobolkaasi u dhashay Baabuur kala degeen.
Dayax Media Network
Galmudug, Somalia



[…] Nuur Dheere oo si adag kaga hadlay Dhacdadii Argagaxa lahayd […]