Ururka Towfiiq oo ka haray Doorashada Ku-celiska ah ee Galmudug
Dhuusamareeb, 14 Sebtembar 2026 –Towfiiq Doorashada Galmudug ayaa noqotay arrin cusub oo siyaasadeed, kaddib markii Ururka Siyaasadeedka Towfiiq uusan ka muuqan liiska ururrada ka qeybgalaya...
Dhuusamareeb, 14 Sebtembar 2026 –Towfiiq Doorashada Galmudug ayaa noqotay arrin cusub oo siyaasadeed, kaddib markii Ururka Siyaasadeedka Towfiiq uusan ka muuqan liiska ururrada ka qeybgalaya doorashada ku-celiska ah…
Ururka Siyaasadeedka Towfiiq ayaa u muuqda inuu ka haray doorashada ku-celiska ah ee Galmudug, kaddib markii Guddiga Doorashooyinka Qaranka uu shaaciyay ururrada siyaasadeed ee ka qeybgalaya doorashada la filayo in ay Galmudug ka dhacdo 30-ka Sebtembar 2026.
Liiska ururrada la shaaciyay ayaan ka muuqan magaca Ururka Siyaasadeedka Towfiiq, oo kamid ahaa ururradii ka qeybgalay doorashadii 30-ka Luulyo 2026 ee ka dhacday Galmudug.
Towfiiq ayaa horay u diiday natiijadii doorashadaas, waxaana ay dacwad u gudbisay Maxkamadda Sare ee dalka. Maxkamadda ayaa markii dambe go’aamisay in doorashada dib loogu noqdo, kaddib markii ay tixgelisay cabashooyinka laga keenay hannaanka iyo natiijadii doorashada.
Guddiga doorashooyinka ayaa aqbalay go’aanka Maxkamadda Sare, waxaana la bilaabay diyaar-garowga doorasho ku-celis ah.
Si kastaba ha ahaatee, Towfiiq ayaa hadda diiday inuu ka qeyb galo doorashada cusub, isagoo ku doodaya in aan la dhowrin sharciga iyo go’aankii Maxkamadda Sare.
Ururka ayaa sidoo kale sheegay in Maxkamaddu ay tilmaantay in ururrada siyaasadeed ay heli lahaayeen muddo 90 maalmood ah, balse aan muddadaas loo siin ururrada ka qeybgalaya doorashada ka hor inta aan la shaacin waqtiga doorashada cusub.
Mowqifka Towfiiq ayaa imaanaya xilli ururrada kale ee siyaasadeed ee liiska lagu daray aysan si weyn uga hadlin muddada loo qabtay doorashada, taas oo muujinaysa inay u diyaar garoobayaan ka qeybgalka doorashada 30-ka Sebtembar.
Towfiiq ayaa taageero xooggan ku leh qaybo kamid ah Galmudug, gaar ahaan Guriceel iyo Dhuusamareeb, waxaana weli aan si rasmi ah loo ogeyn tallaabada siyaasadeed ee xigta ee ururku qaadan doono.
Go’aanka Towfiiq ayaa sidoo kale dhaliyay dood ka dhex taagan taageerayaasha ururka, kuwaas oo siyaabo kala duwan uga hadlay sababta uu ururku uga maqnaanayo doorashada ku-celiska ah.
Qaar kamid ah taageerayaasha ayaa qaba in ururku uu ilaalinayo mowqifkiisa ku aaddan hannaanka doorashada iyo fulinta go’aanka Maxkamadda Sare, halka kuwo kalena ay is weydiinayaan in Towfiiq uu ka baxay tartan siyaasadeed oo uu muddo diyaar u ahaa.
Ma cadda haddii Towfiiq uu qaadan doono tallaabo kale oo sharci ama siyaasadeed, ama haddii uu gebi ahaanba ka maqnaan doono doorashada ku-celiska ah ee la filayo 30-ka Sebtembar.
Haddii uu go’aanka Towfiiq sidaas ku sii jiro, urur taageero muuqata ku leh qaybo badan oo Galmudug ah ayaa ka maqnaan doona tartanka cusub, taas oo si weyn u beddeli karta muuqaalka siyaasadeed ee doorashada ku-celiska ah.



No Comment! Be the first one.