AKHRISO: Jadwalka Doorashada Galmudug oo la shaaciyay
Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS) ayaa 30-ka Sebtember 2026 u asteeyey doorashada ku-celiska ah ee Golaha Wakiillada iyo Goleyaasha Deegaanka ee...
Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS) ayaa 30-ka Sebtember 2026 u asteeyey doorashada ku-celiska ah ee Golaha Wakiillada iyo Goleyaasha Deegaanka ee dowlad-goboleedkani Galmudug.
Maxkamadda sare ee dalka ayaa horay u burisay natiijada doorashadii dhowaan ka qabsoontay Galmudug, kaddib markii ay aragtay dacwadda xisbiga Towfiiq ee uu hoggaamiyo Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan.
Doorashada isku sidkan ee ku celiska ah ayaa ka dhacaysa Galmudug bishan Septebmer sida ku xusan jadwalka ay soo saareen guddiga doorashooyinka.
10-ka bishan September ayaa loo qorsheeyay in la shaaciyo goobaha cod-bixinta ah iyadoo 20-ka isla bishan la soo bandhigayo liiska musharrixiinta ururrada siyaasadda ee doorashada ka qeyb galaya.
22-ka September ayaa loo muddeeyay in ururradu soo gudbiyaan wakiilladooda goobaha cod-bixinta goobjoogga uga noqonaya halka isla 26-ka bishaan la siin doono aqoonsiyada iyaga iyo Kor-joogayaasha kale ee doorashada.
Intaa kaddib ururrada siyaasadda ayaa loo oggol yahay olollahooda inay guda-galaan waxaana olollaha uu ku eg yahay 28-ka bishan September.
Guddiga doorashooyinka madax-bannaan ayaa doorashada ku celiska ah ee Galmudug laga qabanayo u asteeyay inay dhacdo 30-ka September ee isla bishaan.
In doorashada Galmudug lagu laabto oo dib loo qabto ayaa timid kaddib markii Maxkamadda sare ay dabayaaqadii bishii hore ay laashay Natiijada doorashadii horey u dhacday oo kuraasta u badan uu heystay urur siyaasadeedka madaxweyne hore Xasan Sheekh Maxamuud ee JSP.
Wararkii ugu dambeeyay ee doorashada Galmudug kala soco halkaan.
Dayax Media Network
Galmudug, Somalia



[…] 14 Sebtembar 2026 –Towfiiq Doorashada Galmudug ayaa noqotay arrin cusub oo siyaasadeed, kaddib markii Ururka Siyaasadeedka Towfiiq uusan ka muuqan […]