Gollaha Mustaqbalka oo weerar afka ah ku qaaday Siyaasiyiinta …
Gollaha Mustaqbalka oo ay ku mideysan yihiin Madasha Samatabixinta oo ay ku jiraan maamullada Puntland iyo Jubbaland ayaa sheegay in siyaasiyiin mucaarad sheegta aysan aqoonsanayn. Waxaa ay sheegeen...
Gollaha Mustaqbalka oo ay ku mideysan yihiin Madasha Samatabixinta oo ay ku jiraan maamullada Puntland iyo Jubbaland ayaa sheegay in siyaasiyiin mucaarad sheegta aysan aqoonsanayn.
Waxaa ay sheegeen Gollaha Mustaqbalka in mucaaradka keliya ee iyaga soo raaca ay u aqoonsan yihiin madaxweyne hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo hoggaaminaya koox siyaasiyiin ah oo horey ula soo shaqeysay.
Mucaaradka kale ayay ku sheegeen siyaasiyiin horey uga tirsanaa iyaga oo safkooda ka baxay, islamarkaana ku aragti noqday Villa Somalia, inkastoo siyaasiyiintaasi weli ay qeyb ka yihiin shirarka beesha caalamka lala galo.
Gollaha Mustaqbalka ayaa si cad u sheegay in siyaasiyiintaasi ay gacan-saar la leeyihiin Madaxtooyada Soomaaliya, islamarkaana aragtideeda ay difaacaan.
Hadalkani waxaa shaaca ka qaaday Siyaasi Maxamed Cabdiraxmaan Dhabban-cad oo kamid ah guddiga farsamada ee gollaha Mustaqbalka, kaasoo ka sheekeeyay xaaladihii kale duwanaa ee isla soo mareen Mucaaradka iyo dowladda federaalka Soomaaliya.
Wuxuu ka dhaqaajiyay in uusan jirin wax heshiis ah iyo wada-hal hadda u socda Gollaha Mustaqbalka iyo Dowladda Federaalka, kaas oo la xiriira ismari-waagga arrimaha doorashooyinka dalka oo weli aan xal rasmi ah loo helin.
Siyaasiyiinta gollaha Mustaqbalka ay eedeeyeen waxaa ugu horreeya Raysal wasaarihii hore Cumar Cabdirashiid, Guddoomiyihii hore ee gollaha shacabka Maxamed Mursal, Wasiirkii hore ee Warfaafinta Daahir Maxamuud Geelle iyo Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, mana jirto illaa hadda wax jawaab ah oo ka soo baxay.

Dayax Media Network
Galmudug, Somalia



No Comment! Be the first one.