RW Xamsa oo Saraakiisha Beeshiisa kala hadlay in …
Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa kulan gaar ah la qaatay saraakiil kasoo jeeda beesha uu ka dhashay. Kulankani ayaa diiradda lagu saaray sidii loo dardargelin...
Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa kulan gaar ah la qaatay saraakiil kasoo jeeda beesha uu ka dhashay.
Kulankani ayaa diiradda lagu saaray sidii loo dardargelin lahaa qorista iyo abaabulka ciidamo cusub oo laga soo xulayo deegaanada ay beeshaasi degto.
RW Xamsa ayaa qorsheynaya inuu sameeyo isbedal aan horey u sameyn siyaasiyiintii ka horreysay taasoo ah in beesha uu ka soo jeedo ay galangal ku dhex lahaato ciidanka xoogga dalka.
Ciidamadii dhowaan tababarka uu MW Xasan Sheekh ugu soo xiray Degaanka Xanan-buurre ayaa la sheegay in qaarkood laga soo qoray degaannada uu ka soo jeedo Raysal wasaaraha oo ay ku jirto dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya.
Kulanka ayaa la sheegay in saraakiisha looga hadlay sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen hawsha qorista ciidanka iyo abaabulka dhallinyarada ku nool deegaanada ay beesha Ra’iisul Wasaaruhu degto.
Il-wareedyo ayaa u xaqiijiyay Shabakadda Dayax Media in RW Xamsa Barre uu aad u danaynayo in dowladda FS ay saameyn ciidan iyo joogitaanba ku lahaato dowlad goboleedka Jubbaland.
Sida horey loo soo wariyay Raysal wasaaraha ayaa qorsheeyay in ciidanka DF ay qabtaan degaannada Jubbooyinka ee ku jira gacanta Alshabaab, sida magaalada Bu’aale ee gobolka Jubbada Dhexe.
Qorshahaasi waxaa xiga in Jubbaland cusub halkaa laga yegleelo, inkastoo wax kasta ay isbeddali karaan oo siyaasaddu subaxba meel ay joogto.
Dayax Media Network
Galmudug, Somalia



[…] RW Xamsa oo Saraakiisha Beeshiisa kala hadlay in … […]