Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya oo Si Rasmi ah Dib Ugu Celiyay Baasaboorkii Kenya
Muqdisho – Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta booqasho ku tagay Safaaradda Jamhuuriyadda Kenya ee Muqdisho, halkaas oo uu si rasmi ah ugu wareejiyay...
Muqdisho – Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta booqasho ku tagay Safaaradda Jamhuuriyadda Kenya ee Muqdisho, halkaas oo uu si rasmi ah ugu wareejiyay baasaboorkii Kenya ee uu hore u haystay.
Qoraal uu soo saaray ayuu ku sheegay in go’aanka uu baasaboorka dib ugu celiyay uu yahay mid uu si iskiis ah u qaatay, isagoo xusay in tallaabadaasi ay ka dhalatay duruufihii iyo doodihii hareeyay arrintaas maalmihii la soo dhaafay.
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa caddeeyay in baasaboorka Kenya uu ahaa dukumenti si sharci ah lagu siiyay, islamarkaana isticmaalkiisu uu waafaqsanaa shuruucda iyo habraacyada dalka Kenya. Wuxuu sheegay inuu go’aansaday inuu dib ugu celiyo dowladda Kenya si loo ilaaliyo hufnaanta, isla xisaabtanka iyo kalsoonida laga filayo masuuliyiinta xilalka qaran haya.
“Go’aankani waa mid maamul oo aan si iskeed ah u qaatay, mana aha mid ka dhashay muran ama codsi iga yimid dhinac kasta,” ayuu ku yiri qoraalkiisa.
Masuulka ayaa sidoo kale uga mahadceliyay dowladda iyo shacabka Kenya soo dhoweynta, martigelinta iyo taageerada ay sannado badan u muujiyeen shacabka Soomaaliyeed. Wuxuu xusay in xiriirka Soomaaliya iyo Kenya uu yahay mid qoto dheer oo ku dhisan derisnimo, iskaashi iyo dano wadaag, isla markaana mudan in la sii adkeeyo.
Dib u celinta baasaboorka ayaa timid kaddib hadal-heyn xooggan oo maalmihii u dambeeyay ka taagneyd warbaahinta iyo baraha bulshada, taas oo la xiriirtay safar uu ku tegay magaalada Nairobi iyo warar la isla dhexmarayay oo ku saabsanaa dukumentigiisa safarka. Masuulku wuxuu sheegay in tallaabada uu qaaday ay la xiriirto duruufihii soo baxay, balse aysan wax saameyn ah ku yeelan doonin xiriirka wanaagsan ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya.
Arrintan ayaa mar kale dib u soo nooleysay doodda ku saabsan laba dhalasho iyo hayashada baasaboorrada dalal kale ee ay leeyihiin qaar ka mid ah masuuliyiinta Soomaaliyeed. Inkastoo dastuurka ku meel gaarka ah ee Soomaaliya uusan si guud u mamnuucin laba dhalasho, haddana mowduucan ayaa marar badan noqday mid dood siyaasadeed iyo mid sharci dhaliyay.



No Comment! Be the first one.