GEN. Indha-cadde oo si la yaab leh kaga hadlay doorashadii Galmudug
Sheekh Yuusuf Siyaad Indha-cadde oo xilal kale duwan ka soo qabtay dowladihii dalka soo maray ayaa ka hadlay doorashadii dhowaan ka qabsoontay dowlad goboleedkani Galmudug. Jeneraalka oo xalay ka...
Sheekh Yuusuf Siyaad Indha-cadde oo xilal kale duwan ka soo qabtay dowladihii dalka soo maray ayaa ka hadlay doorashadii dhowaan ka qabsoontay dowlad goboleedkani Galmudug.
Jeneraalka oo xalay ka qeyb galay munaasabad ka dhacday magaaladani Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug ayaa shaaca ka qaaday in doorashadii ka dhacday gobolka ay ahayd middii ugu fiicnayd.
“Doorashadii Galmudug waxay ahayd tii ugu fiicnayd, Afrika tii ka dhacda tii ugu fiicnayd waaye” ayuu yiri Sheekh Yuusuf Indha-cadde.
Doorashooyin hore oo dadweynuhu ay ka qeyb galayeen xilligii berri-samaadka ayuu sheegay in ay ahaayeen doorasho ku sheeg marka loo eego midda ka dhacday Galmudug.
“Marka hore waxaan hambalyaynayaa doorashada, Anigoo Illaaheey ka baqaya ma aanan arag wax aan dhalliilo” ayuu sidoo kale yiri Jeneraal Indha-cadde.
Masuuliyiinta soo baxay ayuu kula taliyay in masuuliyaddooda ay u gutaan si wanaagsan, oo Alle ka cabsi leh.
Mucaaradka ayuu kula taliyay in aysan ka shaqeyn in Soomaaliya ay dib ugu laabato doorashooyinkii la soo maray, isagoo ugu baaqay in dantooda gaarka ah aynaan u baabi’in umadda Soomaaliyeed
Dayax Media Network
Galmudug, Somalia



No Comment! Be the first one.