RW Xamse oo qodob xasaasi ah geeyay Laascaanood, Muxuu yahay Qodobkaas?
Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya mudane Xamsa Cabdi Barre oo booqasho ku jooga magaalada Laascaanood ayaa wada kulamo kale duwan. Kulamadani ayaa wasiirka koobaad ee XF MR. Xamsa uu la...
Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya mudane Xamsa Cabdi Barre oo booqasho ku jooga magaalada Laascaanood ayaa wada kulamo kale duwan.
Kulamadani ayaa wasiirka koobaad ee XF MR. Xamsa uu la yeelanayaan gollaha dhaqanka Waqooyi Bari, aqoonyahanka iyo qeybaha kale duwan ee bulshada ku nool Laascaanood.
Sida ay ilo wax-gal ah u xaqiijiyeen Dayax Media Raysal wasaaraha Soomaaliya ayaa salaadiinta Laascaanood kala hadlay arrinka Maxaabiista Somaliland ee weli ku xiran Jeel ku yaalla magaaladaasi.
Ilaha wardoonka ee Dayax Media u warramay waxay sheegeen in mudane Xamsa Cabdi Barre uu reer Laascaanood ka dalbaday in xoriyaddooda ay dib u helaan maxaabiista ciidan ee Somaliland oo la magac-dhabay Jeneraal Faysal Cabdi Bootaan.
Jeneraal Faysal Bootaan, saraakiil kale iyo askartan ayaa lagu qabtay dagaalkii magaaladaasi bannaankeeda ka dhacay dabayaaqadii bishii August ee sanadkii 2023-ka.
Raysal wasaare Xamse ayaa ka codsaday dhaqanka beelaha Laascaanood sii daynta maxaabiistan si ay iyana xoriyaddooda u helaan maxaabiista ku xidhan dhinaca Somaliland.
Lama oga waxa ka dhaqan-geli kara arrintan, waxaase socda dedaallo ay qeyb ka yihiin Culima-Awdiin is-xilqaamay oo ku howlan sidii ay xor u noqon lahaayeen maxaabiista labada dhinac u kala xidhan.
Horey Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa reer Laascaanood ku xidhay shardi ahaa inay sii daayaan maxaabiista weli ku jira Jeelka magaaladaasi kaasi oo aan dhaqan-galin.
Wixii ka soo kordha halkaan kala soco
Dayax Media Network
Galmudug, Somalia



No Comment! Be the first one.