MW Xasan Sheekh oo soo gaaray Dhuusamareeb iyo Villa Somalia oo…
Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo oo isugu jira xildhibaanno iyo wasiirro ayaa galabta soo gaaray magaalada Dhuusamareeb caasimadda Galmudug. Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi...
Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo oo isugu jira xildhibaanno iyo wasiirro ayaa galabta soo gaaray magaalada Dhuusamareeb caasimadda Galmudug.
Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye(Qoorqoor), ayaa garoonka diyaaradaha ku soo dhoweeyay madaxweynaha iyo wafdigiisa.
Villa Somalia oo war ka soo saartay safarka madaxweyne Xasan Sheekh ee Dhuusamareeb ayaa sheegtay in socdaalkiisa uu ku qotomo xoojinta dadaallada dowladda ee dhismaha tayeynta ciidamada qalabka sida iyadoo madaxweynaha inta uu joogo uu ka qeyb geli doono munaasabad tababar loogu soo xirayo cutubyo ka tirsan DFS.
Dhanka kale, waxaa madaxweynaha uu daah-furi doonaa mashaariic horumarineed oo laga hirgaliyay magaalada Dhuusamareeb oo ay kamid tahay waddada laamiga ah.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa lagu wadaa inuu kulamo la qaato qeybaha bulshada si uu uga gado musharraxa xukuumaddiisu u waddo Galmudug ee Liibaan Axmed Xasan, waxaana lagu rumeysan yahay in safarkiisan uu qeyb ka yahay ololaha doorashada aan heshiiska lagu ahayn.














Dayax Media Network
Galmudug, Somalia



No Comment! Be the first one.