MW Qoorqoor oo xalay sheegay War ay dhibsatay Villa Somalia
Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa xalay ka qeyb galay munaasabadda sanad guurada dowlad goboleedkan oo ku beegan 14-ka August taasoo ka dhacday magaalada Dhuusamareeb. Khubaddii...
Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa xalay ka qeyb galay munaasabadda sanad guurada dowlad goboleedkan oo ku beegan 14-ka August taasoo ka dhacday magaalada Dhuusamareeb.
Khubaddii uu MW Qoorqoor ka jeediyay munaasabadda ayuu kaga hadallo aan laga soo dhoweyn dhanka madaxtooyada Soomaaliya, sida ay wariyeen ilo wareedyo madax-bannaan.
MW Qoorqoor ayaa boggaadin iyo ammaan kala dul-dhacay Puntland xilli uu sii xoogaysanayo khilaafka siyaasadeed ee kala dhaxeeya dowladda federaalka Soomaaliya.
Wuxuu sheegay in Puntland iyo shacabkeeda ay ku mahadsan yihiin sidii ay uga wada shaqeeyeen nabad-galyada magaalada Gaalkacyo oo labada maamul Galmudug iyo Puntland ay kala maamulaan.
Madaxweyne Saciid Deni iyo shacabka reer Puntland ayuu tilmaamay in ay dhiggooda Galmudug iyo shacabkeeda ee gobolka Mudug kala shaqeeyeen nabadda iyo midnimada magaalada Gaalkacyo.
Wada-shaqeynta labada dhinac ayuu sheegay inay ku timid nabadda maanta ka jirta magaalada Gaalkacyo.
Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor oo soo hadal qaaday khilaafka siyaasadeed ee ka dhaxeeya Villa Somalia iyo Puntland ayuu hoosta ka xariiqay inuusan saameyn doonin wada-shaqeynta muddada jirtay ee u dhaxeysa dowlad goboleedyada Galmudug iyo Puntland.
Waxaa uu tilmaamay inay muhiim tahay in la sii wado wada-hadallada lagu gaarayo xasilinta xiisadaha siyaasadeed si sare loogu qaado dagaalka ka dhanka ah Alshabaab.
Hadalkani madaxweynaha Galmudug Qoorqoor ayaa ku soo beegmaya xilli Puntland ay cambaareysay safarka MW Xasan Sheekh ee maamulkan, iyagoo ku eedeeyay inuu socdaalkiisa ku qotomo hurinta collaad sokeeye oo ka dhacda magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.
Dayax Media Network
Galmudug, Somalia



No Comment! Be the first one.