Puntland: Dhallinyaro Khamri ku iibinaysay qaab cajiib ah oo la qabtay
Warsaxaafadeed ka soo baxay Taliska Booliska Puntland ayaa lagu xaqiijiyay in howlgal Ciidamada ammaanku ay sameeyeen lagu soo qabtay walxo Maanka-dooriya. Howlgalka oo ka dhacay magaalada Boosaaso...
Warsaxaafadeed ka soo baxay Taliska Booliska Puntland ayaa lagu xaqiijiyay in howlgal Ciidamada ammaanku ay sameeyeen lagu soo qabtay walxo Maanka-dooriya.
Howlgalka oo ka dhacay magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa lagu guuleystay in gacanta lagu soo dhigo Khamri noocyo kale duwan ah iyo dhallinyaradii loogu tegay oo la soo wada qabtay.
Afar dhallinyaro ah oo mid kamid ah ay tahay Gabadh ayaa lagu soo qabtay Khamrigani iyadoo wararku sheegayaan in ay iibinayeen weli hab cusub oo ah in Aaladda Tiktok ay ku iibinayeen.
Booliska Puntland ayaa sheegay in ay baaritaanno ku hayaan cidda heysay Khamriga, halka laga keenay iyo qaabka loo soo geliyay magaalada Boosaaso iyo dhammaan dadyowgii howshii ka qeyb qaatay.
Waxaa sidoo kale, Taliska Booliska Puntland ay sheegeen in ay la dagaallami doonaan wax kasta oo Maan-dooriye ah sida Khamriga oo la aaminsan yahay inuu qeyb ka yahay falalka amni xumada ah.
Degaanno kamid ah Puntland, Waqooyi Bari iyo Somaliland ayaa muddooyinkii dambe waxaa fara ba’an ku hayay Khamriga oo badi uga soo gudba xadka dalka Itoobiya.
Dayax Media Network
Galmudug, Somalia



[…] in ciidamadu ay ku guuleysteen inay gacanta ku soo dhigaan Shabakad ku eedeysan ka ganacsiga Maandooriyaha iyo Hubka sharci darrada […]
[…] in ciidamadu ay ku guuleysteen inay gacanta ku soo dhigaan Shabakad ku eedeysan ka ganacsiga Maandooriyaha iyo Hubka sharci darrada […]