DEGDEG: MW Xasan Sheekh oo xarig jaray Laamiga Dhuusamareeb
Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya oo xalay ku hoyday magaaladani Dhuusamareeb ayaa goor dhow xarigga ka jaray Laamiga caasimadda Galmudug oo dib u dhis lagu sameeyay dhowaan. Xasan Sheekh...
Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya oo xalay ku hoyday magaaladani Dhuusamareeb ayaa goor dhow xarigga ka jaray Laamiga caasimadda Galmudug oo dib u dhis lagu sameeyay dhowaan.
Xasan Sheekh oo uu wehliyo madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor iyo wasiirro ka tirsan federaalka iyo Galmudug ayaa xarigga ka jaray dhismaha laamiga Dhuusamareeb.
Sidoo kale munaasabaddani kooban waxaa goobjoog ka ahaa xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka FS iyo kan Galmudug iyo sidoo kale duqa caasimadda Cabdiraxmaan Geeda-Qorow.
Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladdiisu ay xoogga saari doonto dib u dhiska kaabayaasha dalka sis are loogu qaado dhaqaalaha iyo shaqo abuurka.
Dhismaha Laamigani ayaa la filayaa inuu fududeeyo isu socodka gaadiidka safarka ah ee Muqdisho iyo gobollada kale ee dalka islamarkaana uu noqdo fursad uu ku kobco ganacsiga gobolkani Galgaduud.
Faahfaahin dib kala soco halkaan
Dayax Media Network
Galmudug, Somalia



No Comment! Be the first one.