DEGDEG: GEN. Jimcaale oo ugu dambeyn aqbalay inuu ku noqdo ciidanka Puntland
Sida ay Dayax Media u xaqiijiyeen ilo amni oo ku sugan magaalada Garoowe, taliyaha ciidamada Danab GEN. Jimcaale Jaamac Takar ayaa ugu dambeyn aqbalay inuu dib uga mid noqdo ciidamada Puntland....
Sida ay Dayax Media u xaqiijiyeen ilo amni oo ku sugan magaalada Garoowe, taliyaha ciidamada Danab GEN. Jimcaale Jaamac Takar ayaa ugu dambeyn aqbalay inuu dib uga mid noqdo ciidamada Puntland.
Dedaallo iyo wada-hadallo ay wadeen masuuliyiin iyo qaar kamid ah waxgaradka gobolka Nugaal ayay ku timid aqbalaadda Jananka oo waayadii dambe ay aad u kala fogaadeen madaxweynaha Putland Saciid Cabdullaahi Deni.
Senator Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud(Faroole) ayaa kamid ahaa masuuliyiinta dhexdhexaadinta ka dhex waday Jimcaale iyo Deni waxaana Jananka lagu qanciyay inuu dib ugu soo noqdo ciidanka Puntland.
Dedaalladani ayaa loo sameynayay sidii looga baaqsan lahaa colaad ka dhacda magaalada Garoowe, kadidb markii Jeneraal Jimcaale Takar uu sheegay in isaga iyo ciidankiisuba ay hoos tagaan dowladda federaalka Soomaaliya.
Ciidanka Danab oo uu hoggaamiyo ayaa deggan xerada Ligle oo ku taalla bannaanka magaalada Garoowe.
Dhowaan xukuumadda MW Deni ayaa ku dhawaaqday guluf dagaal oo ka dhan ah dhammaan ciidamada aan ka tirsanayn Puntland ee ku sugan degaannadeeda.
Sen. Faroole oo si weyn uga soo horjeeda siyaasadda dowladda FS ayaa aad uga shaqeeyay sidii la isugu soo dhoweyn lahaa madaxweyne Saciid Deni iyo Taliyaha ciidanka Danab Jeneraal Jimcaale Jaamac Takar.
Dayax Media Network
Galmudug, Somalia



No Comment! Be the first one.