Shabaab u badan Ajaanib oo soo buux-dhaafiyay degaanka…
Sida ay sheegayaan wararka naga soo gaaraya degaanka Jannaale ee gobolka Shabeellaha Hoose, dhaqdhaqaaqyo ciidan ayaa laga dareemayaa degaanno hoostaga degaankaasi. Il-wareedyo amni ayaa u sheegay...
Sida ay sheegayaan wararka naga soo gaaraya degaanka Jannaale ee gobolka Shabeellaha Hoose, dhaqdhaqaaqyo ciidan ayaa laga dareemayaa degaanno hoostaga degaankaasi.
Il-wareedyo amni ayaa u sheegay Dayax Media in Alshabaab u badan Ajaanib ay soo buux dhaafiyeen degaanno hoostaga Jannaale.
Saraakiisha xoogga dalka ee waayadii dambe hor-kacaysay howlgallada Alshabaab looga saaray degmooyin iyo degaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose weli kama aysan hadlin dhaqdhaqaaqani ciidan.
Alshabaab u badan Ajaanib ayaa lagu arkayaa degaanno hoostaga Jannaale kuwaasoo wada dhaqdhaaqyo ciidan.
Alshabaab ayaa muddooyinkii dambe laga saaray degmooyin iyo degaanno ka tirsan Shabeellada Hoose.
Dayax Media Network
Galmudug, Somalia



No Comment! Be the first one.