MW Deni oo ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Burcad-Badeedda
Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa ka hadlay weerarrada bBurcad-Badeedda oo waayadii dambe ku soo batay xeebaha dalka gaar ahaanna aagga Puntland. Waxaa uu hoosta ka xariiqay in...
Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa ka hadlay weerarrada bBurcad-Badeedda oo waayadii dambe ku soo batay xeebaha dalka gaar ahaanna aagga Puntland.
Waxaa uu hoosta ka xariiqay in xukuumaddiisu ay aad uga xun tahay falalka amni darro oo Kooxdani ka geysanayso Xeebaha Puntland, islamarkaana dowladdu tallaabo ka qaadi doonto.
Madaxweyne Saciid Deni ayaa ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Burcad-Badeedda, si Maraakiibka Ganacsi ay ugu soo dhiirradaan Marin Biyoodka Caalamiga ah Badda Cas.
Puntland ayaa leh ciidamo u gaar ah illaalada Xeebaha kuwaasoo gacan ka geystay burburinta Burcad-Badeedda ka hore.
Dayax Media Network
Galmudug, Somalia



[…] Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa ka hadlay falalka Burcad-Badeedda oo muddooyinkii ku sii xoogeysanayay xeebaha […]