DEGDEG: Kenya oo Tarxiishay Xildhibaan ka tirsan DFS
Wararka ka imaanaya magaalada Nairobi ee caasimadda Kenya ayaa sheegaya in dowladda Kenya ay dalkeeda u diidday xildhibaan Yuusuf Kabaale oo ka tirsan gollaha shacabka ee baarlamaanka federaalka...
Wararka ka imaanaya magaalada Nairobi ee caasimadda Kenya ayaa sheegaya in dowladda Kenya ay dalkeeda u diidday xildhibaan Yuusuf Kabaale oo ka tirsan gollaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya.
Xildhibaan Yuusuf Kabaale oo kamid ah xildhibaannada u dhow madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dib looga celiyay garoonka diyaaradaha Joma Kenyatta iyadoo dib loogu soo tarxiilay magaalada Muqdisho.
Ujeedka socdaalka xildhibaanka ayaa lagu sheegay inuu booqanayay qoyskiisa oo deggan magaalada Nairobi hase yeeshee Kenya ayaa u diidday inuu gudaha u galo magaalada.
Dhowaan sidaan oo kale wasiirro ka tirsan xukuumadda Xasan Sheekh ayay Kenya dib u soo celisay.
Si rasmi ah looma oga sababta ka dambeysa arrintani.
Wixii ka soo kordha kala soco halkaan.
Dayax Media Network
Galmudug, Somalia



No Comment! Be the first one.