MUDUG: MW Deni oo qaadaya tallaabo keeni karta Dagaal
Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa booqasho ku maraya degaanno dhaca xudduudka labada maamul ee Galmudug iyo Puntland. Sida il-wareedyo qarsoon ay u xaqiijiyeen...
Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa booqasho ku maraya degaanno dhaca xudduudka labada maamul ee Galmudug iyo Puntland.
Sida il-wareedyo qarsoon ay u xaqiijiyeen shabakadda Dayax Media madaxweyne Saciid Deni ayaa degaannada uu booqanaya waxaa kamid ah bariga gobolka Mudug ee Galmudug.
Degaannadaasi bariga fog ee gobolka Mudug dhaca degaan ahaanna xisaabsan Galmudug waxaa kamid ah Towfiiq iyo Dhinowda.
Degaannadani ayaa saami-qeybi ku leh hay’adaha dowladda Galmudug inkastoo dhowaan xukuumaddiisa uu ku soo daray siyaasiyiin ka soo jeedda beellahaasi.
Dhowaan xukuumadda Galmudug ayaa walaac ka muujisay safarka MW Deni ee bariga Mudug iyadoo ka digtay colaado ka dhex qarxa beellaha wada deggan dhulkaasi ballaaran.
Wixii ka soo kordha kala soco halkaan.
Dayax Media Network
Galmudug, Somalia



[…] MUDUG: MW Deni oo qaadaya tallaabo keeni karta Dagaal […]