GUD. Jaamac oo shaqadii u horreysay u qabtay Turkiga tan iyo markii…
Guddoomiyaha gollaha shacabka BFS mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur(Jaamac) ayaa muddo la la xiriirinayay inuu si hoose ula shaqeeyo dowladda Turkiga. Jaamac ayaa dhowaan shaqadii ugu horreysay...
Guddoomiyaha gollaha shacabka BFS mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur(Jaamac) ayaa muddo la la xiriirinayay inuu si hoose ula shaqeeyo dowladda Turkiga.
Jaamac ayaa dhowaan shaqadii ugu horreysay Turkiga kaga qabtay gudaha dalka tan iyo markii loo doortay kursiga guddoomiyaha aqalka hoose ee baarlamaanka Soomaaliya.
Waxaa uu isku xiriiriye ka noqday dowladda Turkiga iyo Burcad-Badeedda heysata Markabka Lutuf oo lagu heysto aagga Xeebaha Puntland, si loogu kala dab-qaado labada dhinac.
Qorshahani waxaa ka gacan siiyay sida Shabakadda Dayax Media ay ogaatay wasiir ka tirsan xukuumadda FS oo degaan doorashadiisu tahay Puntland.
Inkastoo heshiiskii horudhaca ahaa ee Turkiga iyo Burcad-Badeedda uusan noqon mid najaxay haddana waxaa uu wadaa waan-waan la xiriirta sidii Kooxdu u sii dayn lahayd Markabkani.
Markabkani Lutuf ayaa waxaa ku raran qalab ay leedahay Xukuumadda Ankara, waxaana dhowaan uu u gacan galay Koox Burcad-Baddeed Soomaali ah oo ku heysta aagga Xeebaha gobolka Nugaal.
Dayax Media Network
Galmudug, Somalia



No Comment! Be the first one.