UK oo MW Xasan ku cadaadinaysa Doorasho loo dhan yahay
Boqortooyada midowday ee Ingariiska ayaa dowladda federaalka ah u soo gudbisay aragtideeda ku aaddan xal u helidda khilaafka siyaasadeed ee hareeyay doorashooyinka dalka. Wasiirka UK u qaabilsan...
Boqortooyada midowday ee Ingariiska ayaa dowladda federaalka ah u soo gudbisay aragtideeda ku aaddan xal u helidda khilaafka siyaasadeed ee hareeyay doorashooyinka dalka.
Wasiirka UK u qaabilsan horumarinta caalamiga ah iyo Afrika Kirsty McNeill oo socdaal muddeysan ku soo gaartay magaalada Muqdisho ayaa dhambaalkaasi gaarsiisay Madaxweynaha muddo xilleedkiisa uu ka dhammaaday ee DR. Xasan Sheekh Maxamuud.
Kulan gaar ah oo ay kula yeelatay magaalada Muqdisho MW Xasan Sheekh ayay ku wargelisay dalabka xukuumadda Britain ee ku aaddan in dowladda uu hoggaamiyo ee waqtigu ka idlaaday ay la heshiiso dhinacyada Mucaaradka ah.
Qorshahani ayay dowladda UK iyo Beesha Caalamkaba uga gol leeyihiin in la helo xasilooni siyaasadeed si loo sii ambaqaado horumarrada amniga laga sameynayo ee Soomaaliya.
Wasiir Kirsty McNeill ayaa Madaxweyne hore Xasan Sheekh u sheegtay in muhiim tahay doorasho heshiis lagu yahay oo dhammaan dhinacyada siyaasadda ay fursad u heli karaan inay ka qeyb galaan, waxayna hoosta ka xariiqday in Britain ay arrintaa ku boorinayso DFS.
Madaxweyne Xasan ayaa dhankiisa sheegay in dowladdu ay ka go’an tahay sii wadidda wada-hadallada xalka loogu raadinayo khilaafka siyaasadeed isagoo tilmaamay in dhowaan natiijo laga gaari doono.
Dayax Media Network
Galmudug, Somalia



[…] UK oo MW Xasan ku cadaadinaysa Doorasho loo dhan yahay […]