Wararkii ugu dambeeyay ee Khilaafka Qoorqoor iyo Gacal
Khilaaf siyaasadeed ayaa wali ka taagan magaalada caasimadda ah ee Dhuusamareeb, kaasoo u dhaxeeya hoggaanka maamulka. Xiisaddani siyaasadeed ayaa soo shaac baxday kaddib markii hoggaanka...
Khilaaf siyaasadeed ayaa wali ka taagan magaalada caasimadda ah ee Dhuusamareeb, kaasoo u dhaxeeya hoggaanka maamulka.
Xiisaddani siyaasadeed ayaa soo shaac baxday kaddib markii hoggaanka baarlamaanka Galmudug uu isku dayay inuu guda-galo shaqooynkiisa xilli Maxkamadda sare ee dalka dhowaan ay laashay doorashadii degaanka dhacday islamarkaana fartay hay’adahii maamulka inay sii wataan howlahooda.
Guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug Maxamuud Nuur Gacal oo doonayay inuu furo kal-fadhiga gollaha wakiillada ayaa laga hor-istaagay markii madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye(Qoorqoor) ay u cuntami weyday qorshaaasi.
Madaxweyne Qoorqoor ayaa ciidamo dul-dhigay guriga Dhuusamareeb uu ka deggan yahay Guddoomiye Gacan kuwaasoo hos-istaagay dhaqdhaqaaqa guddoomiyaha si looga baaqsado furitaanka kal-fadhiga baarlamaanka Galmudug.
Sida ay il-wareedyo muhiim ah u xaqiijiyeen Shabakadda Dayax Media, guddoomiyaha gollaha wakiillada Galmudug Maxamed Nuur Gacal ayaa doonayay furitaanka kal-fadhiga kaddib in gollaha la keeno mooshin ka dhan ah xukuumadda madaxweyne Axmed Qoorqoor.
Sida aynu ka soo xigannay sharci-yaqaannada haddii ay taas dhacdo waxaa suurtagal ah in baarlamaanku codka kalsoonida ah uu u qaado xukuumadda oo la rido.
Gunta hoose ee khilaafka madaxweynaha iyo guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug ayaa lagu sheegay arrimo la xariira dhaqaale, iyadoo labada golle ee dowladda bilihii la soo dhaafay aysan qaadan wax mushaar ah.
Guddoomiye Gacal oo dhowaan hadal jeedin ka sameeyay magaalada Muqdisho ayaa muujiyay sida uusan ugu qanacsanayn doorashooyinkii gollaha wakiillada iyo tii degaanka ee Galmudug laga qabtay kuwaasoo markii dambe Maxkamadda sare ay burisay.
Haddii ay dhacdo in xukuumadda Galmudug ay baarlamaanku ridaan ayaa la saadaalinayaa in Galmudug ay geli karto xaalad siyaasadeed oo cakiran.
Xafiiska ee arrintu quseyso ee Madaxweynaha iyo guddoonka baarlamaanka wali kama aysan hadlin khilaafkooda, waxaana nin kastaa uu isku dayayaa socod-siinta mabda’iisa siyaasadeed.
Wixii ka soo kordha kala soco halkaan
Dayax Media Network
Galmudug, Somalia



No Comment! Be the first one.