Maxay ka wada hadleen MW Deni iyo Saraakiisha Maraykanka?
Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta qasriga madaxtooyada ee magaalada Garoowe ku qaabilay wafdi ka socda taliska ciidamada Maraykanka ee AFRICOM. Saraakiishani oo uu hor-kacayay...
Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta qasriga madaxtooyada ee magaalada Garoowe ku qaabilay wafdi ka socda taliska ciidamada Maraykanka ee AFRICOM.
Saraakiishani oo uu hor-kacayay Taliyaha Howlgalada gaarka ah ee Maraykanka ee Bariga Africa, Colonel James Rose ayay kulan gaar ah ku yeesheen aqalka madaxtooyada.
Kulanka ayaa daarnaa howlgallada amni ee talisku ka wado Soomaaliya gaar ahaanna aagga Puntland.
Masuuliyiin iyo saraakiil ka tirsan xukuumadda Puntland ayaa ku wehliyay Madaxweyne Saciid Deni kulankani lagaga hadlay arrimaha ammaanka.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray adkaynta xiriirka iyo wada-shaqaynta Dowlad Goboleedka Puntland iyo Dowladda Maraykanka, gaar ahaan iskaashiga dhinacyada amniga, la-dagaallanka argagixisada iyo sugidda amniga badaha.
Sida ay xaqiijiyeen il-wareedyo intii kulanka uu socday ayaa la isku soo hadal-qaaday dhismaha saldhigga cusub ee AFRICOM ka sameysaneyso dekadda magaalada Boosaaso.
Maraykanka ayaa muddooyinkii dambe waday dedaallo uu sare ugu qaadayo kobcinta iyo ballaarin howlgalladiisa ee Soomaaliya.
Wafdiga kan la mid ah oo dhowaan tegay magaalada Hargaysa ayaa kala hadlay xukuumadda Somaliland dhismaha saldhig ciidan oo talisku uu u yeesho dekadda magaalada Berbera.
Ujeedkooyinka saldhigyadani ayaa daaran sidii Maraykanka uu xaqiijin lahaa amniga Badda Cas iyo Gacanta Cadmeed isagoo sidoo kale ka qeyb qaadanaya howlgallada ka dhanka ah Argagixisada weli ku dhuumaalaysanaysa Calmadow iyo Calmiskaad.
Kulanka Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni iyo Taliska howlgallada Maraykanka ee Africa ayaa ku soo beegmaya iyadoo wali aan xal loo helin xiisadda siyaasadeed ee u dhaxeysa dowladda federaalka iyo Puntland ee ku aaddan arrimaha doorashooyinka iyo wax ka beddalka dastuurka.









Dayax Media Network
Galmudug, Somalia



No Comment! Be the first one.