Mooshin ka dhan ah Duqeyntii Taliye Shub oo maanta la …
Xildhibaanno ka tirsan gollaha shacabka baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta guddoonka gollahaasi u geeyay mooshin ka dhan ah duqeyntii habeen hor loo geystay Taliyihii hore ee ciidanka...
Xildhibaanno ka tirsan gollaha shacabka baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta guddoonka gollahaasi u geeyay mooshin ka dhan ah duqeyntii habeen hor loo geystay Taliyihii hore ee ciidanka Asluubta.
Duqeynta Taliye Jeneraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa ka dhacday gurigiisa oo ku yaalla degmada Doolow ee gobolka Gedo.
Mooshinkani waxaa qabtay guddoomiye ku xigeenka labaad ee gollaha shacabka Cumar Abshirow, waxaana la ansixiyay in lagu daro Ajandaha mooshinka ka dhanka ah duqeynta.
Guddoomiye Cumar Abshirow ayaa madasha ka sheegay in ajandaha maanta lagu daro mooshinkaasi ay u codeeyeen 45 xildhibaan wuxuuna sheegay in ajandaha dib loo dhigo oo hal mar laga dhigo.
Duqeynta diyaaradda F-16 oo ay leedahay dowladda Turkiga ayaa ku fushay amarka Villa Somalia, waxaana ka dhashay cambaareyn xooggan.
Siyaasiyiinta Mucaaradka ah iyo maamullada Jubbaland iyo Puntland ayaa si xooggan u dhalleeceeyay duqeyntani, iyadoo dowladda waqtigeedu dhammaaday ee MW hore Xasan Sheekh ku eedeeyay inay dil ku xukuntay cid kasta oo ka aragti duwanaata xagga siyaasadda.
Xildhibaanno badan ayaa si kulul uga hadlay duqeyntani iyadoo dowladda Turkiga ku eedeeyay in ay ku dhex-milantay khilaafka siyaasiga ah ee dalka ka taagan.
Waa markii ugu horreysay in siyaasi ama qof masuul ah loo duqeeyo aragtidiisa siyaasadeed inta la xasuusto.
Dayax Media Network
Galmudug, Somalia



[…] socdo baaritaanka dhacdada weerarkii guriga Taliyihii hore ee ciidanka Asluubta Dowladda Federaalka Jeneraal Mahad Cabdiraxmaan ee degmadaasi islamarkaana faahfaahin ay dib ka soo sheegi […]