AKHRISO XOGTA: Eedeysanaha Weerarkii Guriga Taliye Shub
Laamaha ammaanka ee dowlad goboleedka Jubbaland ayaa gacanta ku soo dhigay eedeysane qeyb ka ahaa weerarkii Guriga Taliye Mahad Cabdiraxmaan ee degmada Doolow. Weerarka oo dhacay habeenkii Jimcaha...
Laamaha ammaanka ee dowlad goboleedka Jubbaland ayaa gacanta ku soo dhigay eedeysane qeyb ka ahaa weerarkii Guriga Taliye Mahad Cabdiraxmaan ee degmada Doolow.
Weerarka oo dhacay habeenkii Jimcaha ayaa lagu beegsaday guriga Taliyihii hore ee ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Jeneraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan kaasoo ay geysteen diyaaradaha dagaalka ee Turkiga.
Laamaha ammaanka ayaa ka howlgalay qabashada rag ku eedeysan inay fududeeyeen weerarka guriga Taliyaha ee degmada Doolow ee gobolka Gedo.
Cabdi Maxamuud Maxamed Ina Naciima Maxamed Ashkir oo 27 jir ah kuna dhashay magaalada Baydhabo ayaa kamid noqday dadka hay’adaha amniga Jubbaland ay u hayaan tuhunka la xariira dhacdadani.
Waxaa jira shakhsiyaad la sheegay in ay fududeeyeen in diyaaraddu ay guriga beegsato, kuwaasoo ka shaqeeyay in agab yar ay guriga dhigaan si Gantaalku u haleelo dhismaaha bartilmaameedka ah.
Cabdi Maxamuud ayaa horey uga tirsanaa ciidamada madaxweynihii hore ee Lafta-Gareen ee isku dhiibay madaxweyne Aadan Madoobe kaddibna loo qaaday magaalada Muqdisho, iyadoo dhowaan markii dib loo furay garoonka diyaaradaha ee Doolow uu halkaasi gaaray.
Cabdi ayaa ku sugnaa Isbitaalka degmada ee lagu dabiibayay Taliye Mahad iyadoo ay jirtay cabsi ah weerar labaad inuu dhaco, waxaana la isweydiiyay sababta keentay Isbitaalka.
Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in eedeysanaha dhowr jeer uu tegay guriga Taliyaha.
Laamaha ammaanka Jubbaland ee degmada Doolow ayaa sheegay in weli uu socdo baaritaanka dhacdada weerarkii guriga Taliyihii hore ee ciidanka Asluubta Dowladda Federaalka Jeneraal Mahad Cabdiraxmaan ee degmadaasi islamarkaana faahfaahin ay dib ka soo sheegi doonaan.
Wixii ka soo kordha halkaan kala soco
Dayax Media Network
Galmudug, Somalia



No Comment! Be the first one.