Guddiga Doorashada oo jawaab yaab leh ka bixiyay go’aankii Maxkamadda
Guddiga Doorashooyinka iyo Soohdimaha Qaranka ayaa ka soo jawaabay go’aankii Maxkamadda sare ee dalka ay ku burisay Natiijada doorashadii isku sidkanayd ee ka dhacday Galmudug. Warsaxaafadeed ka soo...
Guddiga Doorashooyinka iyo Soohdimaha Qaranka ayaa ka soo jawaabay go’aankii Maxkamadda sare ee dalka ay ku burisay Natiijada doorashadii isku sidkanayd ee ka dhacday Galmudug.
Warsaxaafadeed ka soo baxay guddiga ayaa lagu sheegay in ay aqbaleen go’aanka Maxkamadda.
Waxaa kaloo guddigu sheegay in dib loogu celinayo doorashooyinkii Gollaha Wakiillada iyo tii Degaanka ee dhowaan ka qabsoontay dowlad goboleedkani Galmudug.
Guddiga Doorashooyinka ayaa sheegay in dhowaan uu muddeyn doono waqtiga ay qabanayaan doorashada ku celiska ah ee Galmudug.
Go’aanka Maxkamadda sare ayaa yimid kaddib markii Xisbiga Towfiiq uu cabasho ka gudbiyay hannaanka loo maareeyay codadkii doorashada.
HOOS KA AKHRISO WARSAXAAFADEEDKA GUDDIGA;

Dayax Media Network
Galmudug, Somalia



[…] badan ka dhaliyay bulshada dhexdeeda kaasoo yiri “Waan aqbalnay maadaama ay aqbaleen guddiga Doorashooyinka iyo xisbiga […]