MW Xasan Sheekh oo raadinaya Awood uu ku maquuniyo …
Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya ee muddada xil-heynta ay ka dhammaatay ee mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gelinkii dambe ee maanta safar uga amba-baxay magaalada caasimadda ah ee...

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya ee muddada xil-heynta ay ka dhammaatay ee mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gelinkii dambe ee maanta safar uga amba-baxay magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.
Sida il-wareedyo ka tirsan Villa Somalia ay u sheegeen Shabakadda Dayax Media madaxweynaha ayaa tegi doona dhowr dowladeed oo kala soo hadli doono arrimo kale duwan oo quseeya Soomaaliya.
Xasan Sheekh safarkiisan ugu horreeya u uku gaaray magaalada Belgrade ee dalka Sarbia, halkaasoo loogu sameeyay soo dhoweyn sare.
Soo dhoweynta kaddib ayaa loo galbiyay madaxweyne hore Xasan aqalka dalkaasi looga arrimiyo.
Xasan Sheekh ayaa kulamo gaar ah la qaadan doona dhiggiisa Serbia Aleksandar Vučić, iyagoo ka wada hadlaya adkaynta xiriirka labada dowladeed, siyaasadda, dahanaha la wadaago iyo iskaashigaba.
Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa qayb ka ah madax ka socota dowlaha caalamka, kuwaasi oo lagu casuumay ka qayb-galka shirka heerka sare ah ee lagu xusayo 65-guurada shirkii koowaad ee dhaq-dhaqaaqa dalalka aan isbahaysiga ahayn (Non-Aligned Movement), kaasi oo lagu qabtay magaalada Belgrade sannadkii 1961-kii.
Intaa kaddib waxaa madaxweyne Xasan Sheekh halkaa uga billaaban doona safarkiisa uu ku marayo dalal kamid ah Qaaradda Yurub.
Il-wareedyo ka tirsan madaxtooyada Soomaaliya oo magacooda ka gaabsaday inaan adeegsanno ayaa xaqiijinaya in mudane Xasan Sheekh socdaalkiisa waxyaabaha uu ahmiyadda siinayo ay kamid tahay sidii uu dowladaha uu booqanayo uga heli lahaa taageero, xilli ay is-hayaan mucaaradka.
Xasan oo aad isku dayaya inuu awood ku maquuniyo mucaaradka ka soo hor-jeeda ee diiddan wax ka beddalka dastuurka iyo doorashada ay gar-wadeenka ka tahay Villada ayaa u raadsanaya awood millateri iyo mid dhaqaale.
Dadka odrosa siyaasadda ayaa tilmaamaya in madaxweyne hore Xasan aysan u badnayn inuu ku guuleysto damaciisa ah sii joogidda xukunka Villa Somalia, iyadoo inta badan Beesha Caalamka ay horey ugu sheegtay inuu mucaaradka kala heshiiyo arrimaha doorashooyinka.
Siyaasiyiinta Mucaaradka oo ay ku jiraan labada dowlad goboleed ee Puntland iyo Jubbaland ayaa wali ka biyo diiddan hannaanka dowladdu u waddo doorashooyinka iyo sidoo kale wax ka beddalka dastuurka.
Dayax Media Network
Galmudug, Somalia



[…] MW Xasan Sheekh oo raadinaya Awood uu ku maquuniyo … […]